Ururka SOMLA oo furay shir lagaga arrinsanayo manhajka shaybaadheyaasha

Saddexda maalood ee soo socda ururka mideeya shaybaadheyaasha SOMLA, hay’adda Ingiriiska ah ee THET, maamullada jaamacadaha qaar iyo macalimiinta shaybaadheyaasha Somaliland waxa ay lafoguri doonaan sidii manhaj midaysan loogu heli lahaa jiilasha soo socda ee shaybaadheyaasha noqonaya.

Sidaas waxa yidhi Muxyaddiin Axmed Jibriil, agaasimaha SOMLA mar uu ka hadlayey xafladdii furitaanka aqoon-is-weydaarsigan. Agaasime Jibriil wuxu sheegay in sidoo kale ay ka qayb-galeyaashu ay is waydaarsan doonaan aqoon, khibrad iyo waayo-aragnimo la xidhiidha hawlaha shaybaadhka.

Aqoon-is-weydaarsigani waa kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee ay ka soo qaybgalaan maamullada jaamacadaha, macalimiinta, hay’adaha iyo daneeyeyaasha shaybaadhadu ee gobollada dalka.

Axmed Xaashi Oday, Guddoomiyaha Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka, oo ka hadlay munaasibaddii lagu furay aqoon-is-weydaarsigan wuxu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la mideeyo manhajka shaybaadheyaasha.

“Aad bay muhiim u tahay in la mideeyo waxa ay baranayaan shaybaadheyaashu. Dadku waxa ay na weydiiyaan sababta ay shaybaadheyaasha Somaliland wax isku mid ah u soo saari waayaan. Taasi waxay ku suurto-gelaysaa uun marka la mideeyo manhajka ay wax ka bartaan” ayuu yidhi Guddoomiye Oday.

Khadar Ibraahim Maxamed, Guddoomiyaha SOMLA, isagoo ka hadlaya waxqabadka ururkooda wuxu sheegay in ay tayada wax-soo-saarka shaybaadhada wax iska bedeleen ilaa iyo intii la aasaasay SOMLA 2006-dii.

Madashii maanta waxa kale oo haddal ka jeediyey Hormoodka Kulliyadda Shaybaadhka Jaamacadda Cammuud Dr. Mahamed Daud Qawdhan. Wuxu sheegay in ay ku faraxsan yihiin midaynta manhajka Shaybaadhada diyaarna u yihiin jaamacad ahaan.

Waxa iyaguna goobta hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha Jaamacadda Abaarso Axmed Xuseen Ciise iyo Ayaan Cabdisamad Maxamed oo ah sarkaalad ka socotay hay’adda caalamiga ah ee THET. Labadooduba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda aqoon-is-weydaarsigani ugu fadhiyo caafimaadka dalka waxayna sheegeen in ay taageersan yihiin hidisahan lagu midaynayo manhajka shaybaadhada.

Shaybaadhadu waxa ay lafdhabar u yihiin dawaynta saxda ah ee bukaannada. Sidaas daraadeed kor-u-qaadis kasta oo lagu sameeyo shaybaadhada dalku waxay kor u qaadi doontaa tayada adeegga caafimaadka. Waana arrinta ay daneeyeyaasha shaybaadhadu hadda ku dedaalayaan.

Warbixintan waxa diyaariyey Axmed Ceelaabe
Bandhgie@gmail.com