FIFA oo dib u dhigtay kala-xulidda waddamada u tartamaya martigelinka Koobka Adduunka ee 2026-ka

Xogyaha guud ee FIFA Jerome Valcke ayaa sheegay in dib loo dhigi doono kal-xulista waddamada u tartamaya martigelinta  koobka adduunka ee 2026-ka mar uu maanta shir Jaraa’id ku qabtay Ruushka.

“Ilama aha in la bilaabo kala-xulista waddamada u tartamaya martigelinta koobka adduunka ee 2026ka xaaladda ay hadda FIFA ku jirto darteed” ayuu yidhi Xoghaye Valcke

War-murtiyeed ka soo baxay FIFA waxa lagu sheegay in go’aamada la xidhiidha xulista waddamada marti-gelin doona koobka adduunka ee 2026-kaay ka doodi doonaan waaxda maamulka ee FIFA maalmaha soo socda.

Go’aanka xulista waddanka martigelin doonna koobka adduunka ee 2026ka wuxu ka dhici lahaa magaalo-madaxda Malayshiya ee Kuwaalambuur 2017-ka.

Hadalka Xoghaye Valcke wuxu ku soo beegmayaa wakhti ay hay’addan hadheeyeen feexado la xidhiidha eedaymo musuq-maasuq iyo baadhitaano ba’an oo sababay in Zurich lagu xidho sagaal ka mid ah saraakiisha sar sare ee hay’addan oo ku jiro Madaxweyne-Xigeenkii FIFA sidoo kalena uu is casilay Madaxweynihii FIFA Sepp Blatter oo la doortay laba maalmood kadib markii saraakiishaas la xidhxidhay.

Hase yeeshee Blatter, ayaa afar maalmood ka dib ku dhawaaqay iscasilaadii jagada madaxweynaha FIFA. Shirar aan caadi ahayn oo galeen Golaha Maamulka FIFA ayaa lagu sheegay in dhammaadka sannadkan la dooran doono madaxweynihii bedeli lahaa Sepp Blatter.

Khamiistii ina dhaaftay waxa la shaaciyey in Chuck Blazer uu maxkamad ku taal Maraykanka u qirtay in ay laaluush ka qaateen go’aankii ay FIFA ku ansixisay in waddamada Faransiis iyo Koonfur Afrika martigeliyaan koobabkii adduunka ee lagu qabtay sannadihii 1998 iyo 2010.  Blazer wuxu sheegay in xilligii laaluushka ay qaateen ay ku beegnayd ilaa 1992 markaas oo Faransiiska loo ansixiyey koobkii adduunka ee lagu qabtay 1998.

Qirashadii Blazer waxa ay ahayd tii horseedday baadhitaannada hay’adda FBI-du ku samaynayso sidii loo kala saaray tartankii ay waddamadu u galeen cidda martigelinaysa koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022, kuwaas oo ay ku kala guulaysteen Ruushka iyo Gadar.

Madaxa anshaxa iyo hufnaanta ee FIFA Domenico Scala oo maanta la hadlay wargeysyada Iswiisarlaand sida ay qortay majalladda caanka ah ee Time wuxu sheegay in Gadar iyo Ruushka lagala noqon doonto martigelinta koobabka 2018 iyo 2022, waa haddii ay caddaadaan musuqmaasuqa hadheeyey go’aankii FIFA ay ku dooratay labadan dal.

Madaxweynihii FIFA Blatter ayaa ku dhawaaqay is-casilaad todobaadkii hore sababo eedahan la xidhiidha walow isagu aanu ka mid

bandhige@gmail.com