Waa kuma Donald Trump

Donald John Trump wuxuu dhashay 14-kii Juun 1946-kii wuxuu ku dhashay kuna koray magaaladda New York, waa ilmaha afaraad nin hantiille ahaa oo ka ganacsan jiray guryaha oo lagu magacaabi jiray Fred Trump, inkastoo qoyskiisu hanti leeyihiin haddana waxa la filayey in uu ka shaqeeyo shaqooyinka ugu hooseeya ee shirkadda Aabihiis laakiin waxaa loo diray kuliyad ciidan markii uu ahaa 13 sanno jir kadib markii uu si xun u dhaqmay.

Wuxu waxbarasho ku qaatay dugsiga Wharton School ee Jaamacadda Pennsylvania , taasi oo keentay in Aabihiis uu u noqdo shakhsi uu la dhacsan yahay ee badala hawlaha maamulka ganacsigooda maaddaamma walaalkiis ka wayn oo lagu magacaabi jiray Fred oo doortay in uu noqdo duuliye diyaaradeed.

Fred Trump wuxuu ku dhintay 43 jir ah isagoo sababtay cuduro ka dhashay cabista Khamriga, taas oo keentay in Donald Trump uu nolashiisa oo dhan gees ka maro cabista Khamriga iyo sigaarka.

Trump wuxuu sheegay in uu ku bilaabay ganacsiga guryaha dayn lacageed “oo yar” oo aabihiis uu ka amaahday, ka hor intii aannu ku biirin shirkadda Aabihiis. Wuxuu ka caawiyey Aabihiis mashaariic ballaadhan oo guryo looga dhisay degmooyinka magaaladda New York, isagoo markii dambe la wareegay maamulka shirkadda 1971-kii wuxuuna ka badalay magaca oo uu ka dhigay Trump Organization.

Aabihiis wuxuu dhintay 1999-kii, isagoo 93 jir ah, “Aabahay wuxuu ahaa dhiirigaliyahayga” ayuu yidhi Trump.

trump-22

Maalqabeen:

Trump wuxuu ganacsigii qoyskooda ee dhismaha guryaha ee degmooyinka Brooklyn iyo Queens uu u rogay mashaarciida Manhattan isagoo dhisay Hotelka wayn Grand Hyatt, wuxuu sidoo kale taagay wadadda shanaad dhismaha caanka ah waxaa sidoo kale uu dhisay dhismayaal kale oo caan oo ay ka mid yihiin Trump Place, Trump World Tower, Trump International Hotel and Tower, iyo waliba kuwa kale oo badan.Magaalooyinka Mumbai {Hindiya}, Istanbul {Turkey} iyo Philippines ayuu ka sameeyey dhismayaal caan oo ah oo lagu magacaabo Trump Towers.

Trump waxa kale oo uu dhisay hudheelo & goobaha lagu khamaaro ee loo yaqaan casinos, waxaase afar jeer uu diwaangaliyey in uu khasaaray ama masilafay oo ah dhanka ganacsiga balse aan ahayn musalif shakhsi ah.

Trump waxaa kale oo uu aasaasay barnaamijyo ganacsi oo warbaahineed sanadihii 1996 ilaa 2015, wuxuu ahaa mulkiilaha masraxiyadda Miss Universe, Miss USA, & Miss Teen USA beauty pageants oo ah bandhig lagu caleemo saaro gabadha ku guulaysata quruxda.

Sannadkii 2003-kii wuxuu ka bilaabay Telefishinka NBC barnaamij tartan ah oo loo galayo shaqo maamul oo laga qabanayo shirkadda Trump. Barnaamijkaas oo uu daadihiye ka ahaa 14 goor wuxuu sheegtay in ay uga baxday dhaqaale aan shaaca laga qaadin oo gaaraya 213 milyan oo doolar intii uu socday Barnaamijku.

Waxaa laga qoray buugag fara badan, waxaa kale oo jira waxyaabo ganacsi ahaan loo iibiyo oo magaciisa lagu iibiyo ka bilow Garafaati ilaa dhalada biyaha, sida uu qabo wargeyska Forbes hantida Trump waxaa lagu qiyaasay 3.7 bilyan oo doolar, laakiin isagu wuxuu ku adkeysanayaa in hantidiisu ku qiimaynsan tahay 10 bilyan oo doolar.

trump-23

Say iyo Aabe:

Trump wuxuu guursaday saddex goor, inkastoo ay ugu caansanayd, oo ahayd gabaddh ciyaaraha fudud ciyaari jirtay isla makaana ahayd, sidoo kalena dharka xayeysiisa, waxay isku dhalleen saddex carruur ah oo kala ah Donald Jr, Ivanka iyo Eric ka hor intii aanay diiwangashan furin sannadkii 1990-kii, waxaana ay gaadhay in maxkamadda la iska dacweeyo taasi oo soo jiidatay saxaafadda arrimaha gaarka ah ee dadka caanka ah ka faaloota.

Sheekooyinkaas waxa ka mid ah eedeymo sheegayay in Trump uu si xun ula dhaqmay Ivana inkastoo markii dambe ay sheekada xoogaa qaboojisay.

Trump wuxuu guursaday sannadkii 1993-kii Marla Maples oo ay isku dhalleen gabadh lagu magacaabo Tiffany balse waxay isfureen Marla sannadkii 1999-kii.

Sannadkii 2005-tii ayay is guursadeen xaaska hadda u dhaxda oo lagu magacaabo Melania Knauss, waxay isku dhalleen hal wiil oo lagu magacaabo Barron William Trump.

Ilmaha guurkiisii hore ayaa hadda waxay ka caawiyaan hawlaha socodsiinta shirkadda Trump Organization, inkastoo oo uu wali yahay madaxa shirkadda.

trump-24

Mushaxa:

Trump wuxuu muujiyey dareen ah in uu u isu sharaxo Madaxweyne horaantii sanadkii 1987, wuxuuna is sharaxay sannadkii 2000-kii isagoo ahaa musharaxa xisbiga Reform Party.

Kadib sannadkii 2008-kii wuxuu noqday dadka sida wayn uga hadla goobta dhalasha ee madaxweynaha haatan xilka ka degaya, waxay dhaqdhaqaas su’aalo ka keeneen in Madaxweyne Obama uu ku dhashay Mareykanka iyo inkale, laakiin sheekooyinkaas waxaa markii dambe ay daciifeen ogaanshaha in Obama uu ku dhashay Hawaii.

Trump wuxuu ugu dambeyn qirtay inaanay waxba ka jirin eedeymahaas intii lagu jiray olalaha doorashada laakiin si guud uma jirin raaligalin sidii caadiga ahayd.

Ilaa bishii June ee 2015-kii, Trump si rasmi ah uguma dhawaaqin in uu u tartamyo tartanka aqalka cad.

“Waxaynu u baahannahay qof si rasmi ah oo dalkan kor u qaada dibna uga dhiga wadan weyn” ayuu ku yidhi Trump hadalkiisii uu ku shaacinayey in uu isagu taagayo doorashada.

Hadalkaas wuxuu ku balanqaaday in musharaxnimadiisa aannu uga baahnayn wax dhaqaale loo ururiyo, wuxuu ku jawaabay inaanay jirinwax dano gaar ah oo uu leeyahay isla markaana uu yahay musharax siyaasadda dibad joog ka ah.

Hal ku dhega uu caanka ku yahay ee “Ameerika dib u waynee” wuxuu Trump xiliyo kala duwan jeediyey hadalo iska soo horjeeda oo ku dhisan balanqadyo ah lagu xoojinayo dhaqaalaha Ameerika, inuu ka dhisi doono darbi xuduudda dalka Mareykanku la leeyahay Mexico, isla markaana uu muddo cayiman dadka Muslimiimta ee imaanaya Mareykanka ilaa buu yiri “wakiiladda wadankeennu ay xaqiijin karaan sida wax u socdaan”.

Inkastoo ay dhaceen dibadbaxyo iyo kulamo waa wayn oo ka soo horjeeday olalihiisa oo ay saameeyeen musharaxiintii ay iska soo horjeedeen ee xisbiga Jamhuuriga sida Ted Cruz iyo Marco Rubio, Trump wuxuu noqday musharaxa rasmiga ee xisbiga Jamhuuriga.

trump-25

Guusha doorashada

Olalaha doorashada Trump waxaa si wayn ula degay dood iyo fadeexado ku ay ugu dambeysay cajalad laga duubay sanadkii 2005-tii isagoo hadalo anshax la’aan ah u gaystay haweenka, waxaana ay taasi keentay in xitaa qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ay ku tilmaameen nin aan qalmin xafiiska.

Laakiin wuxuu u sheegayey taageerayaashiisa in uu hareer mari doono saadaasha doorashooyinka kuwaasi oo badankoodu muujinayey in Hillacry Clinton ay ku guulaysanayo doorashada.

Trump wuxuu ka qaatay dhiirigalinta guusha olalahii Ingiriisku ay kaga baxeen Midowga Yurub.

In uu ku guulaysto waxay ka dhigan tahay wax aanay saadaalin ku bixin dadka arrimahan ka doodayey inkastoo olalihiisu uu helay taageero xoogan oo la xidhiidhay eedeymihii cusbaa ee dhanka e-mailada ee wajahay Hilliary Clinton maalmihii ugu dambeeyey ee olalaha doorashada.

Wuxuu noqon doonaa madaxweynihii 45 aad ee Maraykanka kaas oo aan waligiis loo dooran xafiis ama aan ka soo shaqayn ciidamada, taasi waxay ka dhigan tahay in uu mar hore taariikh dhigay ka hor inta aan loo dhaarin xafiiska madaxweynaha 45-aad ee Maraykanka bisha koowaad ee sannadka dambe.

Xigasho: BBC Soomaali

bandhige@gmail.com