Waddo Dheer ayaa loo soo Maray Halkan aynu Taagan Nahay Si Hawl yar Laguma Iman….” Daahir Rayaale

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay in waddo dheer loo soo maray Jamhuuriyadda Somaliland halka ay maanta taagan tahay, isla markaana aan si hawl-yar lagu soo gaadhin horumarka ay ku tallaabsatay.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo khudbad ka jeediyay munaasabadii xuska dabaal-degga 33-guuradda 18-ka May waaxa kale oo uu dar-daaran u jeediyay xisbiyadda qaranka Somaliland, iyo shacabka. Sidoo kale waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u jeediyay dhammaanba ummada reer Somaliland guddo, iyo dibad ba. Waxaanu u rejeeyay in ay gaadhaan bash-bash, barwaaqo, iyo horumar.

Waxaanu kula dar-daarmay xisbiyadda siyaasadda, iyo ururadaba in laga fogaado qabyaaladda, isla markaana ay ku tartamaan nidaam xisbinimo. Waxaanu yidhi “Waddo dheer baa loo soo maray halkan aan maanta taagan nahay. Si hawl yar laguma iman. Dhalinyaradda dhawaan dhalatay, waxaa laga yaabaa in ay u haystaan in wax kastaaba fiicnaayeen. Laakiin, waddo dheer baa la soo maray.

In yar oo dar-daaran ah baan idin siinayaa, dar-daarankaygu wuxuu yahay qabyaaladda. Qabyaaladda iyo dawladnimaduna meel ma wadda galaan, qabyaaladaa hala iska daayo, oo xisbinimo ha lagu tartamo.

Waxa kaloo aan u soo jeedinayaa xisbiyadda qaranka iyo ururadaba, ha ku tartamina qabyaalad, ee ku tartama xisbinimo. Waxa kaloo aad iska ilaalisaan erayo xanaf leh, oo aad isku marisaan hawadda, oo dadkana dhegahoodda wax u dhima, dadkuna ay khaladaad kale u sii fahmaan, taana waxaan idinkula talinayaa ololihiina doorashadda inaad ka daysaan.

Waayo? Xisbiyadda waxaa loo bilaabay inaan kaga baxno ama kaga dabaalano qabyaaladda. Laakiin, imika xagga sare ayay soo martay qabyaaladii, oo waa la iskugu faanayaa, markaana dawladnimadu way naaqusmaysaa”.

“Waxaan kula talinayaa madaxda hadda joogta iyo kuwa kale ee laga yaabo in ay wakhti kale yimaadaan ba, in ay umadda u gar-sooraan, oo waxa yar ee jira ay dadka wada gaadhaan. Doorashadda hadda waxaan rejayna.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com