Warbaahinta Caalamku Siday Wax uga Qortay Xuska 18-ka May

Hargeysa (Dawan)- Warbaahinta Caalamka ayaa ka hadashay debaal degga xuska 33 Guurada ka soo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay madax bannaanideeda 18-kii bishii May sannadkii 1991-kii oo Sabtidii laga xusay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

Wargayska Addis Standard oo ka mid ah warsideyaasha ka soo baxa Xarunta dalka Itoobiya ee Addis ababa, ayaa warbixin uu ka qoray debaal degga Maalinta Qaranimada Somaliland waxa uu ku bilaabay sidan:-

‘’Somaliland kadib markii ay 1960-kii ay xornimada ka qaadatay Ingiriiska waxay si iskeed ah oo aan ka fiirsi lahayn ula midowday Soomaaliya si ay u dhisto Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee waxay taas ka dhaxashay caddaadis baahsan iyo bililiqo loo geystay qaybo badan oo ka mid ah shacabka Somaliland, waxaana taasi horseeday ayuu wargaysku yidhi dagaal sokeeye oo galaaftay nolosha 200,000 oo qof oo shacbiga Somaliland ka mid ahaa, burburinta magaalooyinka iyo barakicinta in ka badan nus malyuun qof.

Wargayska Addis Standerd wuxuu intaas ku daray inay amuurtaasi sababtay in Somaliland ay dib ula soo noqoto Madax bannaanideedi 1991-kii’’.

Wargaysku waxa kale oo uu ka hadlay debaal-dega 33 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay in Madaxda iyo shacabka Somaliland ay ku eegayaan mustaqbalka rejo wanaagsan.

Wargaysku waxaa kale oo uu tilmaamay inay socdaan qorshayaal kor loogu qaadayo kobaca dhaqaalaha, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xoojinta dawladnimada Somaliland.

Warsidaha Addis Standerd wuxuu intaas raaciyey in Hiigsiga sannadaha soo socda ee Somaliland uu xambaarsan yahay Horumar, isku tashi iyo aqoonsi caalami ah.

Warsidahani waxa uu gabo gabadii sheegay in sannad guuradda 33-aad aanay ahayn oo qudha debaal deg balse waxay Somaliland u heelan tahay ayuu yidhi mustaqbal nabadeed oo barwaaqo leh, waxayna shacabka Somaliland ku rajo weyn yihiin in dedaalkoodu uu aakhirka horseedi doono in Caalamku garwaaqsado xuquuqdooda.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com