Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani ay dhibaatooyin caafimaad kala kulmeen tallaakii Covid-19.W/Q:(Kamal marjaan)

Dhinaca kalana qaar ka mid ah masuuliyiinta caafimaadka ee dawladda Maraykanka ayaa ku adkaysanaya, in dad badan oo tallaaladan qaatay lagu arkay xaalado caafimaad darro oo khatar badan. Kuwaas oo qaarkood ay yihiin xaalado dunida dhif ku ah.

Tallaalada khatarta caafimaad keenay waxaa ka mid ah Johnson & Johnson, Pfizer-BioNTech, Janssen, iyo Moderna, laakiin kuma koobna.

Apoorva Mandavilli oo ka faalloota arrimaha sayniska iyo caafimaadka adduunka ayaa baadhis ay samaysay ku ogaatay, in khataraha caafimaad ee ay keenaan tallaalada COVID-19 ay ka mid yhihiin; In qofka lagu mudaa uu daqiiqado yar gudahood dareemo xaalado caafimaad darro oo khatar ah, sida xanuun uu ka dareemo gacanta laga muday, faraha gacanta illaa dhegta dhinacaas xigta, xasasiyad aanu qofku u dulqadan karin ilayska, iyo midda ka sii daran oo ah in uu illow ku keenay dadka qaar oo xasuustu ay ka guurtay, ama si aad u weyn hoos ugu dhacday.

Dr. Michelle Zimmerman (Ph.D) oo ku xeeldheer caafimaadka neerfaha ayaa ka mid ah kummaanka dad ah ee dhibaatadu ay ka soo gaadhay tallaalkan. Waxa ay ahayd macallimad jaamacadeed oo aad u firfircoon, jidhkeedana dhista, laakiin laga bilaabo daqiiqaddii tallaalkan lagu muday waxa ay dareentay caafimaad darro. Maanta oo saddex sanno laga joogana waa bukaan waalidkeed la nool, kaddib markii la ogaaday in dhaawac soo gaadhay maskaxdeeda, iyo in aanay socon karin, ama xitaa muddo badan taagnaan karin.

Dr. Janet Woodcock oo muddo dheer madax ka ahaa hay’adda qaran ee Cuntada iyo Dawada Maraykanka, ayaa isaguna ka mid ah dadka xaqiijiyey in tallaaladii COVID-19 ay keeneen khataro caafimaad darro.

Xaaladaha kale ee lagu arkay dadka tallaalka COVID-19 qaatay qaarkood waxaa ka mid ah; khalkhal ku yimi wareegga dhiigga, Wadnaha iyo nidaamkiisa garaaca oo khalkhala, xanuun u eeg irbad in lagaga taagay isha, afka, ama xubinta taranka, dhawaaq (Siidhi) dhegta ka yeedhaya. Wejiga oo qayb ahaan dareenku ka tago (Qallal), muddo kaddibna soo noqdo, dhiigga oo xinjirooba, Guillain-Barré syndrome (GBS) oo ah cudur dhif ah oo sababa in nidaamka difaaca jidhku uu qaata go’aan qaldan oo ah in uu weeraro neefayaasha jidhka. Nabarro iyo boogo uu wadnuhu yeesho, iyo caabuq ku dhaca muruqa Wadnaha, iyo xasaasiyad khatar ah oo heer dhimasho gaadhi karta.

Maraykanka, afartii qof ee kasta ee tallaaladan qaatay mid ka mid ah ayaa lagu arkay xaalad ah in qofku uu maqlo buuq iyo codad dhibaya maskaxda, iyada oo aanay dadka ka agdhowi maqlayn (Tinnitus), waxa kale oo lagu arkay xaalado nafsi ah oo kala duwan, sida warwar iyo qulub badan.

Weli qayla dhaanta ka dhanka ah dhibaatooyinka tallaaladii Covid-19 waa ay iska soo daba dhacaysaa, waxaana sii socda baadhitaannada cilmiga ah ee lagu samaynayo raadadka taban ee ka dashay tallaaladan.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa run ah, in tallaallaasi ay dhinaca kalana kaalin weyn ka qaateen xakamaynta xanuunkan oo fara baas dunida ku hayey.

 

Xigasho:kamal marjaan

Bandhige@gmail.com