Markasta oo aynnu qawadno waxsoosaarkeenna, waxa aynnu canaanta Koowaad saarnaa waqtiga,…W/Q(Kamal marjaan)

ama waxa aynnu isku dhaliilnaa in aynnaan ku fiicnayn Maaraynta waqtiga. Talada ugu weyn ee aynnu ku celcelinaana waxa ay noqotaa isku boorrinta in jadwal aynnu samaysanno.

Waa dhab in maaraynta waqtigu ay kaalin muhiim ah ku leedahay ka midho dhalinta hawlaheenna, waayo waxa ay wanaajisaa ka faa’idaysiga waqtiga. Laakiin waxaa jirta maarayn kale oo iyaduna taas ka sii muhiimsan, inta badanna aan lagu baraarugin; Waa Maaraynta maskaxda.

In maskaxdeenna aynnu maamulno, una maarayno si ku habboon waxsoosaarka aynnu u baahannahay, waxa ay xoojisaa hal-abuurka iyo tamarta aynnu u baahannahay si aynu hawl u qabanno.

Si aynnu u fahanno kala duwanaanta maraynta waqtiga iyo Maaraynta maskaxda; Maaraynta waqtigu waa in aynnu tusaale ahaan jadwal ku soconno oo hawshan inoo taalla waqti sax ah gelinno, waayo waxa aynnu ognahay xaqiiqada ah in hawshan oo la nidaamiyo, joogtana laga dhigaa ay inna gaadhsiinayso natiijada aynnu doonayno. In jadwal la samaystaa waa nidaam fiican, ugu yaraan waxa uu dawo ka noqdaa in hawl keliyi aanay waqtigeenna oo dhan buuxin.

Waxa se iyaduna muhiim in aynnu ogaanno, in waqtiga iyo saacadaha qudhoodu aanay isku waxsoosaar ahayn. Sidaas awgeed saacadaha aad hawlahaaga ugu kala habaynayso jadwalku waxa ay saamayn ku leeyihiin waxsooaarkaaga.

Tusaale ahaan haddii aad buug qorayso oo maalin kasta muddo saacad ah aad u jarto, sannad ayaa aad ku dhammaystiraysaa buug waafi ah. Laakiin haddii aad istidhaahdo sannadkii 365 maalmood mar haddii uu yahay, shaqee muddo 365 saacadoo oo xidhiidh ah si aad 15 maalmood buuggaas ugu dhammayso, suurtagal maaha in uu buuggaasi dhammaystirmo. Mushkiladduna maaha jadwalka, balse waa in aad waqtigii maaraysay, laakiin aanad maskaxdii maarayn.

Mararka qaarkood maskaxdeennu waxa ay u diyaarsantahay in ay u fikirto hab hal-abuur leh oo ay xal cusub u raadinayso hawsha hortaalla, iyada oo ka eegaysa dhinacyo cusub, kaddibna raadinaysa hilinno horumarsan oo xalka ay u marto.

Mar kalana waxa ay u diyaarsantahay in ay xoogga saarto lafagurka hawsha xalka u baahan, si ay u fahamto dhibaatada, kaddibna xal ugu raadiso si nidaamsan oo maangal ah.

Hadba saacadda hawshan la qabanayo, iyo duruufaha ku xeeran ayaa maskaxda ku haga qaabka ay u fikirayso, iyo jidka ay xalka u marayso.

Sidaas awgeed marka aad jadwal shaqo dejinayso, ku xisaabtan saacadaha aad shaqooyinkaaga u kala cayimayso.

Talada ugu fiicanina waa in saacadaha hore ee hawlmaalmeedkaaga aad u goyso shaqada la xidhiidha yoolashaada waaweyn ee muhiimka ah, ama fikirka iyo maskax tuujinta badan u baahan.

Maaraynta maskaxdu kama muhiimad yara, Maaraynta waqtiga, waana sababta dad badani iyaga oo jadwal fiican dejistay, haddana aanay hawshooda uga midho dhalin sida ugu fiican.

#fikirkan waxa aan ka soo dheegtay buugga caanka ah ee #David_Kadavy

 

Xigasho:Kamaal marjaan

Bandhige@gmail.com