Waxaa si xawli ah u sii kordhaya saamaynta ay teknoolajiyadda aadame-u-ekaha ahi ku leedahay nolosha dadka..W/Q(Kamal marjaan)

Waxa ay gashay Ganacsigii iyo dhaqaalaha, milateriga, waxbarashada, caafimaadka, xidhiidhka dadweynaha, war-isgaadhsiinta iyo iyo dhinac kasta oo nolosha ka mid ah. tusaale ahaan, dalalka Shiinaha, Hindiya, Giriigga, Kuweyt iyo Taywaan waxa ay ka mid yihiin dalalka ugu horreeyey dunida ee teknoolajiyaddan uga faa’iidaystay dhianca warbaahinta, waxa aanay soo saareen warfidiyeenno Aadame-la-mood ah oo wararka talefashannada akhriya.

Si kastaba ha ahaato ee, meelaha ugu xiisaha badan ee ay ku cusubtahay waxaa ka mid ah, arrimaha siyaasadda iyo dunida diblumaasiyadda.

Haweenay aadame-la-mood ah (Robot) oo ku shaqaynaysa garaadka samayska ah (Artificial Intelligence – AI) ayaa hadda kaddib noqon doonta afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Yukrayn. Waxaa loogu magacdaray Victoria Shi oo ah gabadh heesaa caana ah oo u dhalatay Yukrayn.

Victoria Shi oo dunida is baraysay ayaa faahfaahin fiican ka bixisay shaqada ay qaban doonto, iyo sababta loo sameeyey.

Mar ay ka hadlaysay sida looga badbaadi karo khatarta ah in aadame samee kale oo iyada loo ekeysiiyey uu mararka qaarkood bixiyo warar majara habaabin ah, waxa ay sheegtay in mar kasta oo muuqaalladeeda la Baahiyo uu ka dhex muuqan doono fure ‘QR Code’, kaas oo qofka ku xidhaya bogga rasmiga ah ee wasaaraddu ay ku leedahay internet ka oo isla warkan ay sheegaysaa uu ku jiro.

Mar ay ka jawaabaysay su’aalo qoraal ahaan lagu weydiiyey waxyaabaha shaqadan la xidhiidha ee ay aadamaha kaga ficiantahay, waxa ay sheegtay in aanay hurdo u baahnayn sidaas awgeed waqti kasta ay shaqayn doonto, taas oo aad loogu baahan yahay xilligan dagaalku jiro, waxa kale oo ay sheegtay in ay sida dhaladka ugu hadli karto in ka badan 30 ka mid ah afafka ugu badan ee dunida lagaga hadlo, afaf cusubna ay weli sii baran doonto, taas oo ay yartahay in la helo aadame awoodi karaa, ugu dambayn waxa ay ku faantay in arroorta hore aanay dadka hor iman doonin iyada oo ay qaadiro (Hurdo la’aani) ay ka muuqato.

Waxaa dad badan la yaab ku noqday sida Vicoria ay ugu eegtahay aadamaha, muuqaal ahaan iyo xarkaadka jidhka ee ay bixinayso marka ya hadlayso labadaba.

Link ka faalada koowaad ku jira ayaad heli kartaa qaybo ka mid ah sheekada gabadhan.

 

 

Xigasho: Kamal marjaan

Bandhige@gmail.com