Maxkamadii Loolanka Xanaanaynta waalidka iyo Walaalaha.W/Q(Axmed Cali Kaahin)

Waxaa gaboobay aabo la odhan jiray Jaysaan Xarbi kaa soo ahaa mid ka mida sheekooyinka dhifka ah ee maxkamadaha soo mara gaar ahaan dalka Sucuudiga garsoorkooda ka dib markii ay dhacday dhacdo indaha soo jiidatay taas oo dhex martay laba walaalo ah oo kaligooda ah kuna saabsanayd cida gacanta ku haynaysa ee xanaanaynaysa waalidkood oo gaboobay oo dhul yaal ah iyo cida hadda xaaladiisa gaarka ilaalinaysa una adeegaysa inta noloshiisa ka hadhay.

kiiskaasi maadaama labbada walaalihi ahi ay muddo isku fahmi la’aayeen iskuna maandhaafeen guriga lagu haynayo mid kastana ka go’nayd in uu aabihii hayo maadaama isagu xaq u leeyhay marka la eego sababaha uu sheeganaayo in uu xaq u leeyahay haynta waalidkii.

Wiilka waynu wuxuu ku doodaayay in uu isagu hayay marka horeba marka labbaad uu walaalkiisa yar da’ahaan ka wayn yahay haddana uu. Halka wiilka yari ku doodaayo in walaalkii da’ahaan waynaanay sidaa daraadeed aanu awoodin addeegyo badan oo uu aabihii u baahan yahay marka la eego xaalada hadda uu ku jiro ee heerka bukaan una baahan yahay xanaanayn gaara iyo adeegyo dheeraada,

Iyadoo uu ku sii xoojiyay in walaalkii aanu xaas lahayn kaligiina guri galo taasina aanay caawinayn xaalada aabihii, halka uu isagu leeyhay xaas iyo caruur iyo guri gaara taasina ay siinayso adeegyo dheeraada iyo ka war hayn ka badan ta walaalkiisa wayn ee kaligii ah maadaama adeegyo dibada mararka qaar looga baahdo.

Ka dib fadhiyo badan oo maxkamadu yeelatay gunaanadkii waxay go’aan iyo xukun ku soo saartay in waalidka uu hayo walaalka yari sabatoo ah maadaama uu da’ahaan uu wayn yahay walaalka wayni taasina ayna taageerayn xaalada waalidka iyo xanaanadiisa gaarka.

Markii go’aankaa lagu dhawaaqay iyo qaraarkaa maslaxa ah waxa aad u oo’yay oohin qalbiga ah oo saamaysay dhamaan dadkii iyo gaar ahaan waalidkoodii doodu ka taagnayd xanaanayntiisa. Oo hintaasi oo uu ka oo’yay waayida samafalka iyo u dhibirsanaanta, baari ahaanshihii waalidkii oo uu mudo gacanta ku hayay maadaama manta uu waalidkii ka wareegayo gurigiisa una guuraayo guriga walaalkiisa yar, waxaanu miciinsaday in uu ku sagootiyo oohin iyo qalbi ka murugaysan waayida mid ka mida albaabada janada oo ka fogaaday agtiisa.

Arintaasi oo aad ugu faaftay dhamaan dalka sucuudiga iyo waddamada ku xeeran soona jiidatay indhaha ra’yucaamka bulsho wayn balaadhan, kuna noqotay maxkamada iyo garsoorka dalkasi xusuus gaara iyo dacwadii iyo eedii tii ugu cajiib sanaynd ee ay ka gar naqaan waayadan oo leh dacwaysane iyo dacwoode la galiyay galka dacwadaha rasimiga ah ee kiisasaska madaniga ah taasina ay u sii yeeshay hadal hayn iyo xiise gaara maadaama ay si rasmi galkaasi loo furay gaadhay maxkamda iyo xaakinkii ku qornaa garteenada iyo garnaqeeda lagalay.

Arimmahaasi markuu eegay qaadigu waa kuwa ku hogaamiyay in uu xukunka u rido dhinaca wiilka yar ka dib markuu eegay xaalada waalidka iyo halka u xanaano fiican taasi oo uu xukunka ku dhisay baahida bukaha iyo baylah tirkiisa halka ku haboon isagoo ka dheeraaday in uu labadooda doodood eego.

Dhacdaaasi ka dib dhamaan waxaa lagu waddaagay laguna qaadaa dhigay dhamaan goobaha dadku ku kulmaan guud ahaan iyo gaar ahaan masaajidada taasi oo khudbadihii u leexisay in laga hadlo dhacdadan iyo dhacdooyinka lalamaan ee lamidka ah ama kasoo horjeeda ee bulshada dhexdeeda ka dhaca maadaama qofkastaa waalid dhalay ha noolaado ama ha dhintee samafalkiisa iyo u dhibirsanaantiisana lagu yahay taajir sida labbadan wallaalaha iyo fiqiir sid dadka qaar, waxaana lala lamaanaysiiyay dhacdooyin kale oo xanuun badan.

Walaalahaa kaligoodi maxkamada umay tagin in dhaxal ay isku qabsadeen oo inta badan maxkamadaha qarqiyay kiisas iyo dacwado qaraabo badan kala er’dheeyay jarayna xidhiidhkii qaraabanimo iyo ehelnimo muddo dheerna lagu rafaaday kala gurkooda iyo kala saaridooda oo ku aroorta waxoogaa maal aduun ah.

Dhacdooyinka kasoo horjeeda waxaa lasoo tabiyaa in waalid aad hodan u ahaa Allaana maal ku maasheeyay geeriyooday, isagoo caruurtiisa intii uu noolaa ka haqab tiray lacag iyo dhamaan wixii ay ka tabayeen dhaldhalaalka aduunyada nooc kasta oo ay noqoto midkasta.

Dhacdadan waxaa ka sheekeeyay sheekh uu u sheegay mid ka mida dadka ka shaqeeya goobaha maydka lagu maydho kaasi oo markii maydkii aabahood laga soo saaray qolkii maydhista inamadiisii la waydiiyay gaadhiga ay u diyaariyeen in la saaro in arrin fajac iyo amakaaga keentay in dhamaan wiilasha goobta joogay ay wateen baabuur midba mid ka qaalisan yahay balse markii la waydiiyay baabuurka maydka aabahood la saaro in ay isku tuurtuureen hebelaw kaaga saar iyo adigu kaaga saar iyo kaaga saar.

Ugu dambayna gaadhiga qaada maydka dadka aan awoodin in ay gaadhi soo kaxaystaan la saaray oo lagu qaaday aabahood iyagoo wata baabuurtii aabahood u iibiyay kalana masuugeen in baabuurtooda la sooro aabahoodii wax kasta u soo huray in nololshoodu badhaadhe iyo barkhad ku noolaadaan. Kikastoy ahaato sida sunaha ilaahiga ah looga bartay samafalka ama waalid inkaartku waa mid ka mida midadha aduunyada qofku ku goosto intaan la gaadhin ba aakhiro.

Dadkeenuna waxay lahaayeen sheeko taasi u eeg oo kasiiba xeeldheer hal-hayskeeduna ahaa Geedku ma Geedkiiba, taasi oo wiil aabihii oo indho la’aa hagi jiray maalin go’aan saday in uu shaqadan addag ee aad maalin walba hagayso ee aad kaxaynayso ee aad meel walba gaynayso in uu ka raysto go’aan saday.

Wuxuuna go’aan saday in uu bari geeyo meel fog kagana yimaado halkaasina bahal dugaag daanka dhigo sidii buu yeelay waxaanu ku yidhi aabo isug waan soo noqonayaaye geedkaa igu sug waanu dhaqaaqay dhaqaaq aan soo noqosho lahayn halkaasi baanu odaygii ku dhintay.

Wax maalmuhu is riixaan oo wakhtigu kolba gees u gadoomo wiilkii wuxuu noqday haddii geeri idayso ma gabaw baa idayn, waxaanu gaadhay gado uu u baahdo in la hago waxaana hagi jiray wiil wiilashiisa kamid. Maalin maalmaha kamida ayuu wiilkii odaygii aabihii geeyay geed waxaanu ku yidhi isug waan soo noqonayaaye.

Arrintu marka ay halkaasi marayso odaygii wuxuu dareemay oo uu xasuustay dhacdadii uu hore aabihii ugu sameeyay markuu cajalada dib u celiyay, intii aanu wiilkii dhaqaaqin wuxuu waydiiyay aabo meeshu saw halkaasi maaha geedkuna geedka halkaa ku yaala maaha ee meel heblaayo ama goobta magaceedu sidaayahay yahay wiilkii oo yaaban baa si layaableh u yidhi haa waa goobtaa aad sheegayso.

Wixii aad beerato uun baa la goostaaye odaygii wuxuu wiilkiisii ugu jawaabay aabo ma soo noqonaysid ee tanoo kale anaa aabahay ku sameeyay waa hore ee iska tag waa god haadaamo ha qodin in aad ku dhici doontana mooyi, godkii aan qotay iyo midhii aan beetay ayaan maanta gosanayaaye nabaday, intaad gashato uun baad guntanaysaa ama sacabadaad buuxsan ama faro madhnaa.

Samafalka u dhibirsanaanta u dhogo nuglaanta u dabacsanaanta u heelanaanta u foojignaanta u jajabnaanta u laab furnaanta u gacan furnaanta u dirnaananta iyo dhamaan wax kasta oo koobsada ixtiraamid u adeegid u laab qaboojin xataa in indhahaaga aanad kor ugu eegin waa midho kuu yaala meel aduunka inta la nool yahay iyo ta aakhiro ee waxa ugu yar wax la miisaamo la keenayao ee samafal ah ama intaa inta ku lidka ah oo meel halisa qofka ku hubsata.

Guul kasta oo qof gaadho aduunyo waxa la ogaaday in ay sal u tahay duco waalid halka guul daro kasta ay fure u tahay hoq ama hibasho ama uur ku taalo waalid waayo waalidku marna maba habaaro ubadkiise ee waa siday u kala hoorsaddaan hadyada hilan ee bilaashka ah. Go’aankaa maalintaa uu gaadhay waa mid u dhitaysan ama u kaydsan ayaamaha soo socda wax aanu manta dhaadayn.

Xigasho: Axmed Cali Kaahin

Bandhige@gmail.com