Sunday, June 23, 2024
Home Warar Yaa Baddalaya...

Yaa Baddalaya Hoggaamiyaha ugu Sarreeya ee Iran Ayatollah Cali Khamenei kadib geeridii Raisi?

Intii aanu noqon madaxweynaha Iran wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo dhnak cadaaladda ah wuxuu soo noqday sidoo kale ku xigeenka golaha khuburada Iran. Inkastoo uu ku guul daraystay doorashadii 2017-kii haddana hoggaamiyaha sare Ayatollah Khamenei ayaa Ra’iisi u magacaabay madax cadaladda ee dalkaas.

Sanadkii 2021-ka , Raiisi wuxuu noqday madaxweynihii sideedaad ee jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Sidee loo doortaa hoggaamiyaha saree e Iran ?

Hoggaamiyaha sare Ayatollah Khamenei waa ninkii labaad tan iyo 1979-kiii bilowga kacaanka Iran, xilligaasna waxaa doortay guddi ka koobnaa 88 xubnood isla markaana ahaa khuburo wadaaddo ah. Xubnaha Golaha Khubarada waxa doorta Iraniyiin siddeedii sanaba hal mar, laakiin musharrixiinta golahan waa in ay ansixiyaan Golaha Ilaalada.

Xubnaha Golaha Ilaalada waxa si toos ah ama si dadbanba u doorta Hogaamiyaha Sare. Sidaa darteed, Hogaamiyaha Sare wuxuu saameyn weyn ku leeyahay labada guddi. Soddonkii sano ee la soo dhaafay, Cali Khamenei waxa uu ka shaqaynayay sidii loo hubin lahaa doorashada muxaafidka ee golaha kuwaas oo raacaya tilmaamaha uu isagu ku dooranayo qofka bedeli doona.

Marka la doorto, Hogaamiyaha Sare waxaa laga yaabaa inuu sii joogo jagadan inta uu nool yahay. Sida uu qabo dastuurka Iran, hoggaamiyaha ugu sarreeya waa inuu lahaadaa darajada Aayatullaah, taasoo la macno ah inuu yahay nin Shiico ah oo caan ku ah diinta.

Laakiin markii Cali Khamenei la doortay ma aanu ahayn Aayatullaahi, sidaas darteed waxaa la beddelay sharciyadii si ay ugu suurtagasho inuu qabto jagadaas. Ogowna, sharciyadu way is beddeli kartaa mar kale iyadoo hadba ku xidhan jawiga siyaasadeed marka ay timaado wakhtiga la dooranayo.

Waa kuma ninka loo badinayo inuu noqdo hoggaamiyaha sare ee Iran?

Waxa ay dani ugu jirtaa dhinacyada kala duwan ee siyaasadda jamhuuriyadda Islaamiga ah in ay door ku yeeshaan doorashada hoggaamiyaha soo socda, balse ma jiro qof awood leh oo u dhaqmi kara sidii uu doono. Marka la eego in hoggaamiyaha hadda talada haya aanu lahayn daacadnimo siyaasadeed oo la mid ah kii ka horreeyay, Khamenei wuxuu saameyntiisa ku dhisay shabakad xidhiidh shakhsi ah oo uu la leeyahay taageerayaashiisa, tirada badan oo ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan dalka ee ilaalada kacaanka.

Ilaalada Kacaanku waxay u badan tahay inay isku dayaan inay ka hortagaan musharax kasta oo ay u arkaan inaanu ku haboonayn inuu xafiiska hoggaamiyo. In kasta oo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in liiska musharixiinta ay si hoose u qoran yihiin, haddana ma jirto cid garanaysa cidda ku jirta iyo cid sheegatay inay wax ka ogtahay.

Horey waxaa u jirtay in Cali Khamenei uu door biday inay noqon karaan wiilkiisa Mojtaba ama madaxweynihii dhintay ee Ibrahim Raiisi.

Raiisi oo horey u ahaa madaxa golaha garsoorka, Sadiiq Larijani, iyo madaxweynihii hore Xassan Rouhani ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay ku hamminayaan inay xilkaan qabtaan.

Waa kuma Mojtaba Khamenei

Waa 51 jir uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Iran waxaana lagu magacaabaa Mojtaba Khamenei, wuuxuna ku dhashay magaalada diinta ku caanka ah ee Mashhad. Waa wadaad sida aabbihiis oo kale laakin muuqaalkiisa aad looma yaqaan.

In kasta oo Cali Khamenei aanu ahayn boqor oo aanu si fudud awoodda ugu wareejin karin wiilkiisa, Mojtaba haddana waxa uu ku dhex leeyahay awood la taaban karo bulshada reer Iran marka la eego mudada uu hoggaanka hayay iyo sida uu u maareeyo isbadellada yimaada mararka qaar. Mojtaba Khamenei haddii uu taageero ka helo Ilaalada Kacaanka,waxaa tillaabadaasi door ka qaadan kartaa habka sharciga ah ee xafiiska lagu yimaado.

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com