Waftigii Somaliland ee ku sugnaa Taiwan ayaa booqday Safaaradda Somaliland

Waftigii Somaliland ee ku sugnaa Taiwan ayaa booqday Safaaradda Somaliland ay ku leedahay Magaalada Taipei ee dalka Taiwan, taas oo gacan siinaysay Waftiga Somaliland ee uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) intii ay ku sugnaayeen dalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska JSL ayaa u mahad-naqay Safiirka Somaliland ee dalka Taiwan Amb Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar iyo shaqaalaha Safaaradda, waxa siddoo kale Wasiirku uu saxeexay Buugga martida ee Safaaradda.

Waftiga Somaliland ee ku sugnaa dalka Taiwan, waxa ay safarkoodii ku soo xidheen booqashadaasi ay ku tageen Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Taiwan, iyagoo intaas wixii ka dambeeya dalka dib ugu soo laaban doona.