Wakhtiga la Qabanayo Tartanka Kooxaha Heerka Koowaad ee Degmadda Sheekh oo la Shaaciyay

Khaddar Cabdi Muuse

Sheekh (Dawan): Masuuliyiinta wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha jamhuuriyadda somaliland ee degmadda Sheekh, ee gobolka Saaxil, ayaa shaaciyay wakhtiga uu si rasmiya u bilaabmi doono koobka kooxaha heerka koowaad ee degmadaasi.

Guddoomiya wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, Jaamac Cali Maxamed, oo uu wehelinayay guddoomiyaha xidhiidhka Kubbada cagta ee isla degmadda Sheekh, Maxamed Faarax Cali, ayaa shaaciyay in 29-ka bishan uu si rasmiya degmadaasi uga bilaabmi doonokoobka kooxaha heerka koowaad ee degmadda Sheekh.

Waxaanay masuuliyiintaasi ku adkeeyeen kooxaha iyo macalimiintaba laylya kooxahaasi ka dhisan degmadda Sheekh, in ay u diyaar garroobaan tartanka koobkaasi.

Sidoo kale masuuliyiintaasi ayaa u mahad celiyay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland oo uu ay ku bogaadiyeen sida uu kooxaha degmadda Sheekh garab taagan yahay.

Waxa kaloo ay masuuliyiintaasi u mahad celiyeen maayarka degmadda Sheekh Eng. Xuseen Ismaaciil Cali, ku-xigeenkiisa iyo xoghayaha dawladda hoose ee isla degmadda Sheekh, kuwaasoo ay ku amaaneen sida ay mar walba u garab taagan yihiin bahda ciyaaraha ee degmadaasi.

Jaamac Cali Maxamed, guddoomiya wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee degmadda Sheekh ee gobolka Saaxil, oo arrimahaasi ka warbixinayayna waxa uu yidhi “Waxaanu saaka (shalay) iclaaminaynaa in horyaalkii kooxaha heerka koowaad ee degmadda Sheekh uu bilaabmi doono. Waxaan u sheegayaa dhamaanba kooxaha heerka koowaad ee degmadani Sheekh, wakhtiga uu qabsoomi doono, iyadoo ay inoogu danbaysay sanadkii 2022-kii, waxaanan iclaaminaynaa in horyaalkii sanadkan 2024-ka uu bilaabmayo 29-ka bishan July ee aan ku jirno, oo maalin Isniin ah ku began ayuu inoo bilaabmi doonaa”.

Geesta kale masuuliyiintani ayaa u mahad celiyay maamulak dawladda hoose ee degmadda Sheekh, oo ay ku amaaneen sida ay kooxaha ciyaaraha ee degmadaasi mar walba u bar-bar taagan yihiin. “Kooxaha waxaan faraynaa ka qayb gelaya tartanka dhamaantoodba in ay diyaar garoobaan, isla markaana mudadaa aanu iclaaminay inkastoo ay aad u yar tahay, hadana in ay ka faa’iidaystaan.

Waxa kaloo aanu halkan uga mahad naqaynaa maamulka wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubada cagta, oo iyaguan si hagar la’aan ah noola shaqeeyay. Waxa kaloo aanu halkan uga mahad celinaynaa dhamaanba maamulka dawladda hoose ee degmadda Sheekh, haday tahay maayarka, ku-xigeenkiisa, iyo xoghayaha dawladda hoose ee degmadani Sheekh” ayuu yidhi Jaamac Cali Maxame

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com