War-Saxaafadeedka Kulanka Ururada Bulshada ee Habsami u Socodka Ololaha Doorashada Madaxtooyadda ee 13-ka November 2017

 

Waxa maanta oo taariikhdu tahay 30-ka bisha tobnaad kulan isku yimid Ururada Bulshada oo ay hoggaamiso Dallada ay ku midoobeen Ururada aan dawliga ahayn SONSAF, waxay ka doodeen qaabka uu u socdo ololaha doorashada Madaxtooyada iyo sidii looga hortagi lahaa ama loo joojin wixii waxyeelikara ama wiiqaya habsami u socodka ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland. Haddaba waxay Ururada Bulshada  soo saareen qodobadan hoose ku xusan:-

  1. In ay xisbiyada ixtiraamaan Xeerka Hab-Dhaqanka Xisbiyada Siyaaasada ee Doorashada Madaxtooyaddda ee ay saxeexeen 30- ka bishii September 2017.
  2. Xeerkan Hab- Dhaqanka Xisbiyada Siyaasadu wuxuu mabnuucayaa dhammanaa luqada iyo hadalada aan haboonayn kaas oo qodobka 8aad fariiqiis 6aad, 7aad iyo 8aad ay reebeen musharaxiinta iyo madaxda xisbiyada in ay ku ololeeyaan waxkasta oo bulshada kala fogaynaya sida xaalad abuur, kicin dadweyne, isku dir, colaad abuur, caadifad aan caqli ku dhisnayn iyo shaqsi weerar.
  3. Sidoo kale waxay Ururada Bulshadu ugu baaqayaan xisbiyada in ay ku wacyi-geliyaan taageerayaashooda, wakiilada xisbiyada, xubnaha xisbiyada iyo madaxdaba in ay ku dhaqmaan isla markaana ixtiraamaan meel-marinta iyo ku dhaqanka xeerkan hab-dhaqanka Xisbiyada Siyaasada ee Doorashada
  4. In warbaahinta ku dhaqanto xeerka warbaahinta doorashada Madaxtooyada kaasi oo reebaya in la baahiyo wararka been abuurka ah iyo kuwo kala qaybinaya bulshada, sidoo kale waxa Ururada Bulshadu ugu baaqayaan warbaahinta in ay tifaftir iyo faaf-reeb ku sameeyaan wararka ay tebinayaan.
  5. Ururada Bulshada waxay ugu baaqayayaan taageerayaasha xisbiyada iyo dadweynuhu in ay ixtiraam taageerayaasha xisbiyada kale, sidoo kalena waa in ay ilaaliyaan anshaxa, ololaha iyo nabad- gelyada.
  6. Ururada Bulshadu waxay kula taliyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Guddida Anshaxa in ay talaabooyin deg deg ka qaadaan cidkasta oo jebiso xeerka Hab- dhanqanka Xisbiyada Siyaasada ee Doorashada Madaxtooyada iyo xeerka hoosaadka war-baahinta.
  7. Sidoo kale Ururada Bulshadu waxay ugu baaqayaan dadweynaha, madaxda xisbiyada, war-baahinta, iyo taageerayaasha xisbiyada in ay ilaaliyaan geedi socodaka ololaha doorashada madaxtooyada.

Gebo gebadii baaqan Ururada Bulshada wuxu daaran yahay ilaalinta nabad-gelyada, iyo in ay musharaxiintu tartamayaan iyo taageerayaashooduba ka feejignaadaan waxkasta oo wax yeeli kara  midnimada bulshada reer Somaliland.

Mustafe Sacad Dhimbil

Guddoomiyaha SONSAF