Wararku Waxa ay Sheegeen in Guddoomiyaha Baanku uu Dhowr Jeer Saxeex Ka Joojin ugu Hanjabay Agaasimaha Guud oo Aan Xafiiska Ka Soo Xaadirin
Hargeysa(Waaberi):-Khilaaf aad u culus oo car iyo wir ah, ayaa soo kala dhex-galay Madaxda ugu sar-sareysa Baanka Dhexe ee Somaliland isla mar ahaantaana sababtay wada-shaqeyn laโaan ka dhex-taagan guddoomiyaha Baanka Dhexe Aqoonyahan Cali Ibraahim Baqdaadi iyo Agaasimaha Guud ee Baankaasi Mudane Axmed Xasan Carwo.
Sidaย Wargeyska Waaberiay u xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-oggaal ah, khilaafย soo jiitamaayey muddooyinkii u dambeeyey ayaaย ka dhashay arrimo khuseeya dhinaca awoodda maamulka oo ay isku maan-dhaafsan yihiin labada masโuul, waxaana aad ay iskugu af-garan laโ yihiin awoodahooda shaqoiyo nidaam shaqeedka Baanka Dhexe ee Somaliland.
Wararku, waxa ay tilmaameen in Agaasimaha Baanka Dhexe Mudane Axmed Xasan Carwo aanu maalmahii u dambeeyey ka soo xaadirin xafiiskiisa isla mar ahaantaana uu joojiyey wada-shaqeyntii ka dhaxeysay isaga iyo guddoomiyaha Baanka Aqoonyahan Cali Baqdaadi.
Guddoomiyaha Baanka Dhexe, ayaa la sheegay in uu dhowr goor isku dayey in uu gebi ahaan ba saxeexaย ka joojiyo Agaasimaha Baanka Dhexe oo ay isku fahmi laโ yihiin qaabkii ay u wada-shaqeyn lahaayeen balse shirar kala duwan oo uu la yeeshay saraakiisha Baanka, ayaa lagu la taliyey in aanu ku deg-dagin in uu saxeexa ka joojiyo Agaasimaha Baanka.
Arrintan, ayaa muddooyinkii dambe ba saameyn xooggan ku yeelatay hawlahii shaqo ee Baanku ugu xil saarnaa shacabka Somaliland, adeegyaddii sarifka oo cidhiidhi galay iyo weli ba dad badan oo u cadibadan cidda ay kala xidhiidhayaan adeegyaddooda shaqoย ee ay ka fushanayaan Baanka Dhexe ee Somaliland.
Illaa hadda lama sheegin in wax farriin ah oo khuseeya khilaafka labada masโuul la gaadhsiiyey Madaxweynaha balse waxa la filayaa in Madaxweynahu uu si dhakhso ah u soo dhex-galo arrintan sababtay in masโuuliyiintani ay muran kaga mashquulaan hawlahii shaqo ee loo diray.
Maxay Saamayn Ku Leedahay Dekedaha Berbera Iyo Jabuuti Isticmaalka Itoobiya Ee Dekedaha Ereteriya Oo Si Rasmi Ah U Bilawday?
Asmara(Waaberi) Madaxweynaha waddanka Ereteriya Isaias Afwerki, raโisal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta ku kulmaya magaalada Asmara ee xarunta Ereteriya. Hoggaamiyeyaasha ayaa ka soo laabtay kulanka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika oo ku soo dhammaaday magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ajandaha kulanka saddex geesoodka ah ee hoggaamiyeyaasha Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya laakiin, waxa ay warbaahinta Itoobiya iyo Ereteriya ku macneeyeen mid kor loogu qaadayo xidhiidhka dhaqaalaha iyo ammaanka dalalkan.
Arrinta ka dhex muuqata kulankan ayaa ah in dalalka Ereteriya iyo Itoobiya qaadayaan tallaabooyin waaweyn oo ay ku horumarinayaan xidhiidhkooda dhawaan hagaagay ee dhanka diblamaasiyadda iyo iskaashiga laakiin, lama oga waxa Soomaaliya uga dan ah kulanka maanta oo ubucdiisu tahay sidii Itoobiya u isticmaali lahayd dekedaha Ereteriya, islamarkaana u furan lahayd safaaraddeeda Asmara kadib 20 sanno oo labada dal kala qoqobnaayeen.
Raโisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Ereteriya waxay shalay kormeereen dekeddaha Ereteriya iyo jidka isku xidha dekedda Asmara iyo xuduudka Itoobiya oo ilaa 71Km ah. Waxa uu kulankoodu yimid kadib markii uu markii u horaysay dekedda ku soo xidhay markabka Mekelle ee Itoobiya oo alaab u sida Ereteriya.
Raโisal wasaare Abiy waxa uu sheegay in dekedda Casa bee Ereteriya todobaadada soo socda bilaabayso hawlgal kadib dib u hayb yar oo lagu samaynayo. Waxa uu tilmaamay in bilawga shaqada ee dekeddu muujinayo sida uu u hirgalay heshiiska labada dal gaadheen bilihii la soo dhaafay ee dhanka nabadda iyo iskaashiga ah.
Madaxa xafiiska raโisal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in dekedda Ereteriya degdeg shaqada u bilaabayso, islamarkaana Itoobiya isticmaali doonto dekedda.
Saamaynta Dekeddu ku leedahay Jabuuti iyo Somaliland
Dawladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay isku dhaceen Ereteriya waxay si buuxda u isticmaalaysay dekedaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Markii sanadkii hore dawladda Itoobiya saami 19% ah laga siiyay dekedda Berbera waxa muuqatay in dekedda Jabuuti wajahayso tartan waxaana taas xigtay Itoobiya oo dekedaha Suudaan iyo Kenya heshiisyo la gaadhay hase ahaatee waxa arrimahaasi u kala raray heshiiska lama filaanka ahaa ee Ereteriya iyo Itoobiya taas oo loo arko in dekedaha Ereteriya oo ay hore ugu xidhnayd Itoobiya mar kale maroorsan doonanto isticmaalkeeda dekedaha, taasna ay saamayn doonto dekedaha Jabuuti iyo Somaliland ee ku xisaabtamayay suuqa Itoobiya oo aan bad lahayn.
Tifaftiraha Africa ee BBC-da Mary Harper waxay sheegtay in aanay Itoobiya ku sii tiirsanaan doonin dekedaha Jabuuti “Markabka ganacsi ee Mekelle oo Itoobiya leedahay ayaa ku xidhay dekedda Masawa ee Ereteriya 20 sanno kadib. Waddanka aan badda lahayn ee Itoobiya intaas ka badan kuma sii tiirsanaan doono dekedaha Jabuuti,โย sidaas ayay ku sheegtay boggeeda Twitter-ka oo ay ku faafisay sawirro muujinaya Masawa oo ah meel qadiim ah.
Dadka siyaasadda odorosa ayaa u arka in aanay Somaliland iyo Jabuuti la jaanqaadin isbedellada ka socda Geeska Afrika, siiba isku xidhnaanta dalalka Itoobiya, Ereteriya iyo Somalia. Cabdiraxmaan Cadami oo ka faallooda arrimaha Geeska ayaa aamminsan in aanay Itoobiya marnaba lumin doonin xidhiidkeeda Somaliland oo Istiraatijiyad ku qotoma laakiin, ilaa hadda ma muuqato qawl ama ficil ka soo baxay nidaamka cusub ee Itoobiya oo ku aaddan xidhiidhka Addis iyo Hargeysa.
Arrinta xusidda mudan ayaa ah in dawladda Jabuuti hore uga qarracantay Soomaaliya oo xidhiidh fiican la yeelatay Ereteriya oo Jabuuti ay dhul ku muransan yihiin. Inkasta oo Farmaajo bookhday Jabuuti haddana ma muuqdo wax isbedel ah oo ku yimid arrimaha Jabuuti diidanayd ee ah in aanay Soomaaliya la safan Ereteriya ee ay Jabuuti barbar istaagto.
Waxa kale oo jira aragtiyo ku saabsan in Imaaraadku wado isku xidhka Ereteriya iyo Itoobiya, halka labadan dal laftoodu duufsadeen Soomaaliya iyada oo ujeedka Imaaraadku yahay gadoominta Jabuuti oo ay isku fahmi waayeen saamiga DP World. Isbedellada kolba jirjir dhigaya ee Geeska ayaan la saadaalin Karin saamaynta ay ku yeelan karaan Jabuuti oo sidoo kale loolanka Shiinaha iyo reer Galbeedku hadheeyay.
|