Dawladda Itoobiya Waxay Ku Khasban Tahay In Ay Ilaashato Danaheeda Strategic-Ga Ah Ee Ay La Leedahay Somaliland (WQ: Cabdiraxmaan Cadami)

Sida lagu baahiyay warbaahinta wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxa lagu sheegay in ay heshiis wada galeen dawladda Itoobiya 30-08-2018, heshiiskan oo ka koobna dhawr qodob waxaana ka mid ah:-

  1. In labada dal iska kaashadaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha;
  2. Xushmaynta madax bannaanida iyo midnimada labadooda dal;
  3. Xoojinta ama hirgelinta heshiisyadii ama is afgaradkii hore ee Muqdisho lagu gaadhay;
  4. In la dhiso guddi laba geesood ah oo ka shaqeeya wanaajinta xidhiidhka labada dal.

Ma xuma oo dawladuhu mar kasta oo loo baahdo waxay wada galaan heshiisyo ka turjumaya danaha labadaa dal ama ay faa’iido ugu jirto labadaba, waxase laga yaaba in dhinacba qodobo gaar ah si gaar ah u danaynayo.

Haddaba heshiiska la sheegay dawladda Itoobiya dhankeeda waxay ku gorgortamaysa arrimo ay ka doonayso in ay Soomaaliya u fuliso laakiin, weftiga Soomaalidu wuxuu mabsuud ku yahay oo kaliya qodobka 2-aad ee heshiiska oo ah Itoobiya in ay xushmayso midnimada Soomaaliya.

Waxaynu ognahay Itoobiya horeba in ay u aqoonsanayd midnimada Soomaaliya laakiin, ujeedada dhabta ah waxay tahay oo ay si dad ban dawladda Itoobiya uga dalbanayaan in ay joojiso xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay JSL. Waxay rabaan in wax kasta oo dawladda Itoobiya uga baahato Somaliland loo soo maro Farmaajo iyo xukumaddiisa.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay heshiis noocan oo kale ah la galaan dawlado ajanabi ah iyaga oo ka ogolaanaya arrimo halis ku ah Qarannimada iyo sharafta umadda iyaga oo ku iibsanaya kaliya in gacan lagu siiyo la dagaallanka iyo gadoominta ama cunaqabataynta Jamhuuriyadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee dawladda Itoobiya waxay ku qasban tahay in ay ilaashato danaheeda Istaraatijiga ah ee ay la leedahay Somaliland, tusaale ahaan Somaliland oo kaashanaysa sirdoonka waddamada jaarka ah iyo kuwa beesha caalamka waxay door muhiim ah ka qaadatay la dagaallanka Argagixisada.

Badda cas aagga kaga beegan Somaliland waxay ka hirtay budhcad badeeda ka qawlaysata biyaha Soomaaliya iyo meelo kale oo ka fog ba.

Itoobiya waxay saami ku leedahay dekedda Berbera (Shuraako).

Itoobiya iyo Somaliland waxay si wada jir ah u maalgalinayaan Jidka Rajada ee isku xidhaya labada dal (Somaliland-Ethiopia Economic corridor).

Isla marka ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi iyo shicibkuba waxay wadaagaan aragtida ah in gobolka Geeska Africa ee colaaduhu daashadeen nabad lagu soo dabaalo si horumarka gobolka looga wada shaqeeyo.

Waxa laga yaaba in dad aan xogogaal ahayni u qaatan heshiisyo macno leh oo saamayn ku yeelan kara xidhiidhka dhaw ee Somaliland iyo Itoobiya. Itoobiya marnaba Somaliland ku doorsan mayso iskumana hallayn karto maamulka Soomaaliya ee tamarta daran ama magac u yaalka ah oo xataa tahli kari wayday in ay si buuxda uga wada taliso gobolka Banaadir.

Waxa kale oo baryahan dambe ku soo kordhay in Xamar ay gabbood u noqoto kooxo ‘Mafia’ ah iyo xarun lagu maydhaamo ama lagu maydho lacagaha xaaraanta ah (money laundering) sidaas daraadeed waa maan gaabnimo in Farmaajo ku fekero in dawladda Itoobiya isaga uga fasax qaadato Somaliland oo muddo 28 sannadood ah beesha caalamku ula macaamilaysay sidii dal xor ah oo madax bannaan.

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.co