Wasaaradda Waxbarashada JSL oo Tababar u soo Xidhay Kormeerayaasha Gobollada Bari ee Dalka

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Burco (Dawan) Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa tababar u soo xidhay Kormeerayaasha gobollada Bariga Somaliland kuwaasi oo uu muddo afar maalmood ah uga socday magaalada Burco.

Agaasimaha waaxda Kormeerka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo uu weheliyo Isuduwaha wasaaradda Waxbarashada gobolka Togdheer ayaa magaalada Burco kusoo xidhay tababar muddo 4 maalmood ah u socday kormeerayaasha gobolada Togdheer, Saaxil, Sanaag, Badhan, Daadmadheedh, Buuhoodle iyo Saraar.

Tababarkan oo u jeedadiisu ahayd kor u qaadista tayada waxbarashada ayaa ugu horay waxaa ka hadlay kasoo qayb galyaashii uu tababarku u socday iyagoo sheegay inay wax badan ka faa’ideen mudadii uu socday aqoona kala tagi doonaan islmarkaana ay muhiim tahay in la joogteeyo tababarada noocana.

Isuduwaha wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska gobolka Togdheer ayaa u mahadnaqay dhamaanba kasoo qayb galayaasha iyo sidoo kale wasaaradda Waxbarashada dedaalka ay wado ee dhanka tayaynta waxbarashada.

Agaasimaha Waaxda Kormeerka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa ku dheeraaday u jeedada tababarka, waxaana uu sheegay in tabababarada noocani noqon doonaan joogto

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com