Wasiir Cukuse wuxu Soomaaliya uga digay hubka ay u soo dirayso Buuhoodle

Maalmihii ugu dambeeyey waxa la isla dhex marayey in diyaarad sidda shixnad milatari ay timid Buuhoodle. Waxa jritaanka warkaas si dadban u xaqiijiyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la hadlay saxaafadda.

Wasiir Cukuse wuxu shixnadda milatari ee la sheegay in ay diyaaraddani sidday ku eedeeyey Dawladda Soomaaliya.

“Markii ay arkeen nabadda, horumarka iyo wanaagga ka jira Buuhoodle ayay u qiidhi la’yihiin oo ay hub u soo dirayaan si ay meesha uga dhacdo colaad hor lihi’ ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirku wuxu Soomaaliya ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arrimaha guddaha Somaliland isla markaana ay joojiso isku-daygeeda la xidhiidha in ay colaado ka huriso Soomaaliya.

“Diyaaradda hubka sidday ee ugu dambaysay waxay marag u tahay sida ay Soomaaliya u rabto in ay xasilooni darro uga abuurto Somaliland. Waxanu xukuumadda halkaas (Soomaaliya) ka jirta ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan ficillada caynkan ah, isla markaana ay aaminaan in aanu nahay laba dal oo jaar ah oo ay tahay in ay nabad-galyo ku wada noolaadaan” ayuu Wasiirku hadalkiisa ku soo gunaanaday.

Bandhige@gmail.com