Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda (CSI) wuxu bilaabay tabobarro la xidhiidha hal-abuurka ganacsiga

Mac-hadka lagu tabobaro shaqaalaha dawladda ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa CSI ayaa soo gabogabeeyey tabobar socday shan maalmood oo la xidhiidha kobcinta hal-abuurka ganacsiga kaas oo lagu abuurayo fursado ganacsi oo wax ku kordhin kara dhaqaalaha dalka.

Xafladdii xidhitaanka oo ka dhacday isla mac-hadkan gudihiisa, waxa ka hadashay Umalkhayr Cabdi Jaamac oo ka mid ahayd macalimiintii tabobarka. Waxay sheegtay in ay tahay markii ugu horraysay ee waddanka laga hirgaliyo mashruucan oo magaciisa af-Ingiriisi lagu yidhaa Start and Improve Your Business (SIYB), kaas oo macnihiisu noqonayo bilaabidda iyo hirgelint ganacsiga.

Mashruucani wuxu ka socdaa waddamo badan oo dunida ah, laakiin waa markii koowaad ee Somaliland laga fuliyo.

Guuleed Hagoog
Agaasimaha CSI Guuleed S. Hagoog (Bidix) oo shahaado guddoonsiinaya mid ka mid ah ka-qayb-galeyaasha

Sida ay Umalkhayr ku warrantay, tabobarku wuxu ka koobaanaa saddex waji. Marka koowaad sidii aad ula iman lahayd fikrad ganacsi oo laga macaashi karo, marka labaad sidii aad ganacsigaaga u bilaabi lahayd, marka saddexaadna sidii aad ganacsigaaga u sii horumarin lahayd.

Cumar Ibraahim Cabdillaahi wuxu ka mid yahay ka faa’iidaysteyaasha tabobarkan, wuxu sheegay in uu wax badan ka faa’iiday isla markaana ka helay xirfad noloshiisa inta ka hadhay anfici karta.

Xafladda waxa ugu dambayn soo xidhay Agaasimaha Mac-hadka Tabobarrada Shaqaalaha Dawladda (CSI) Guuleed Saleebaan Hagoog. Wuxu sheegay in mashruucani wax ka tarayo kobcinta ganacsiga isla markaana ciddii la timaada firkarad ganacsi ay ku guulaysan karto.

Sida Agaasimuhu sheegay, mashruucan waxa hindihiisa asalka ah lahayd wakaaladda Iswiidhan u qaabilsan kaalmaynta caalamiga ah ee magaceedka marka la soo gaabiyo la yidhaa SIDA, waxase fikirkii qaadatay oo si rasmi ah dunida uga hirgelisa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan shaqaalaha ee magaceeda loo soo gaabiyo ILO.

Mashruucan waxa hadda Somaliland wada-jir uga fulinaya mac-hadka CSI iyo ILO.

Bandhige@gmail.com