Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashadu waxa uu digniin u diray dugsiga sare Nile Academy

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Yuusuf CIsmaan Garas ayaa waxa digniin adag oo ka dhan ah faragelinta qaddiyada Somaliland ah u dirtay maamulka dugsi laga leeyahay waddanka Turkiga oo farac ku leh magaalada Hargeysa, kaasi oo la weriyey in uu qorsheynayo in  ardayda waxbarashada dugsigaasi dhamaysatay ee imtixaanka shahaadiga ah isu diyaarinaysa uu u qabanqaabinayo safar ayMuqdisho u  tagaan si ay ardayda reer Soomaaliya ee waaxda dugsigani ku leeyahay Muqdisho ugala qayb galaan imtixaanka shahaadiga ah.

Qoraal afka ingiriisiga ku daabacnaa oo  lagu socodsiiyey maamulka Dugsiga Nile Academy iyo xafiiska qunsulka Somaliland u fadhiya dalka Turkiga oo dugsigani hoos tago ayaa shalay ay  Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare amar ku siisay dugsigani In uu joojiyo qorshahan isla markaana uu ka digtoonaado arrimaha ku shuqulka leh siyaasadda ee aan shaqadiisa ahayn.

Wasiir Garas waxa uu sidoo kale waxa uu fariin u diray ardayda reer Somaliland ee dugsigan wax ka barata iyo guddida waalidiinta Dugsiga Nile Academy si arrintan looga hor tago. Isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ay hore dugsigiina ugu wargelisay in aanaan [dawlad ahaan] idiin ogolayn in aad amuuro siyaasadeed ku lug lahaataan ama asbaab ammaanka la xidhiidha.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Imtixaanka ardayda [reer Somaliland ee ] dugsigan Nile Academy [dhigata] ma ogolin [dawlad ahaan] in uu Muqdisho u qaado ama uu fududaysto in ay halkaas imtixaanka kaga qaadaan. ”

Gebogabadii waxa uu wasiirku qoraalkan ku soo afmeeray:

“Mar labaadka waxa ay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ku celinaysaa in haddii uu dugsigani iska dhego mariyo digniintaas oo ay dhacdo arrintaasi in ay wasaaradda waxbarashadu siyaasad ahaan ka fiirsan doonto  xidhiidhka uu dugsigani la leeyahay Somaliland iyo shaqada aad haysaanba.”

Marar hore ayaa waxa dhacday arday reer Somaliland ah oo ka heshay waddanka Turkiga deeq waxbarasho in la geeyey Muqdisho kadibna ay ka ambabaxeen.

Sidii kalena siyaasada Turkiga ayaa waxay u janjeedhaa dhinaca Soomaaliya oo ay deeqo badan siiyaan oo iskugu jirto dhisida jidadka, tababarida ciidamada iyo maamuliida dekedda iyo Madaarka Muqdiso.

Hoos ka akhris warqadda digniinta ah ee uu qoray Wasiir-ku-xigeenku:

warqada digniinta Nile shcool

bandhige@gmail.com