Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland wuxu ka degay Washington

 

Waxa shalay oo ay bishu ahayd 20-ka May ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Dullas International Airport ee magaalada Washington DC Wasiirka Arimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire. Wasiirka waxa Airportka ku soo dhaweeyey safiirka Somaliland ee dalkan Maraykanka Rashiid Gaaruf, masuuliyiinta xisbiga talada haye ee Kulmiye ee dalkan Maraykanka iyo jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka safarkiisu waa mid shaqo oo uu kula kulmi doono musuuliyiin ka tirsan dawlada maraykanka iyo kuwa United Nationka mudada uu joogo dalkan Maraykanka. Wasiirku wuxu kulamo ku leeyahay Washington DC illaa maalinta Khamiista, waxa kale oo uu ka qayb qaadan doonaa xaflad qaadhaan loogu ururinayo dadka reer Somaliland ee abaaruhu saameeyeen hebeenka Arbacada ee bishan May tahay 24ka, halkaas oo uu kula kulmi doono jaaliyada reer Somaliland.

bandhige@gmail.com