Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran Cadde ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Madaxtooyadda Dawladda Cumaan oo safar gaaban ku yimid Somaliland.
Weftigan oo uu hoggaaminayo dhaxal sugaha Boqortooyada Cumaan Jeneral Nuux ayaa ujeedada socdaalkoodu yahay sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen xaalada amaan iyo ta maalgashi ee dawlada Somaliland.
Sidoo kale waxay weftigani wasiirka Arrimaha Guddaha kala hadleen xaalada amaan ee dalka isaga oo wasiirku ku qanciyey ugana xog waramay in guud ahaanba dalka Somaliland uu amaankiisu yahay mid sugan isla markaana ku qanceen lana qaateen.
Dhinaca kale weftigu waxay kala hadleen wasiirka sidii loo mataanayn lahaa, isla markaan xidhiidh dhinaca amaanka ah ay u wada yeelan lahaayeen Cumaan iyo Somaliland.