Wasiirka Diinta iyo Awqaafta JSL oo Dawro Cilmiyeen u Soo Xidhay 1500 oo Arday

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Dawro Cilmiyeed u soo xidhay in ka badan 1500 oo arday oo wax ku Baranayey Masjidka Cumar Cismaan ee Caasimada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa Caawa dawro Cilmiyeed usoo xidhay in ka badan 1500 arday oo ka Faa’idaysanayey Dawro Cilmiyeed lagu qabtay Masjidka Cumar Cismaan ee Caasimada Hargaysa .

Waxana Munaasibadaas kasoo qayb galay qaar ka mid ah Culimada dalka , masuuliyiin ka tirsan xukuumada , Dhalinyaro ,Haween iyo Marti sharaf kale oo aad u badan .

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo munaasibadaas ka hadlay ayaa ugu horeyn Hambalyo u direy ardaydii ka faa’idaysatay Dawro Cilmiyeedkaas oo tiradoodu aad u badnayd , macalimiintii wax soo baray iyo maamulka Masjidka Cumar Cismaan ee Caasimada Hargaysa .

Intaa Kadib waxa Wasiirku sharaxaad ka bixiyey Barnaamijyada Khayriga ah ee guud ahaan dalka ka socda iyo weliba kuwii uu kasoo qayb galay todobaadyadi hore ee ina dhaafay ,oo dhamaantood muujinaya in Somaliland gaar ahaan Caasimada Hargaysi noqotay hoyga barashada Diinta Islaamka .

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay dhamaystireen manhajkii waxbarashada macaahida diiniga ah , taas bedelkeedana uu hadda marayo marxaladii ugu dambaysay oo ah in la daaboco , dhowaana lasoo bandhigi doono .

Manhajka cusub ee macaahida Diiniga ah ee ay dhamaystirtay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa wax wayn ka tari doona tayada waxbarashada Diiniga ah ,taas bedelkeedana soo saari doona arday tayo leh oo si wayn uga qayb qaadata dhismaha Iyo horumarinta Qaranka .

Dhinaca kale tan iyo Intii wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland loo magcaabay Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi , waxa wasaaraddu horumaro kala duwan ka samaysay hagaajinta xidhiidhka u dhexeeya wasaaradda iyo bulshada , waxaana Wasaaraddu si toos ah u qaadatay doorkeedi hogaamineed ee bulshada iyada oo la tayaynayo Adeegyada bulshadu u baahan yihiin iyo daadejinta nidaamka maamul ee wasaaradda iyada oo loo marayo hanaanka maamul daadejinta Qaranka heer gobol ,heer degmo ilaa heer Tuulo.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com