Wasiirka Warfaafinta wuxu hirgeliyey qorshe dhigiisu ku guuldaraystay 4 sannadood horteed

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) ayaa ka libkeenay qorshe dib-u-habaynta xaqsoorida shaqaalaha Wasaarada oo horeย  Wasiir u soo maray wasaaradu ku guuldaraystay fulintiisa.

Kulan lagu qabtay hoolka wasaarada Warfaafinta, kana soo qeybgaleen dhamaan hawlwadeenada qeybaha kala duwan ee wasaarada ayuu Wasiirka warfaafintu kaga dhawaaqay shalay dib-u-habayn uu waddayย  muddo 10 bilood ah oo ujeedadeedu ahayd sidii loo simmi lahaa gunnada ay qaataan shaqaalaha waaxyaha kala duwan, agaasime-waaxeedyada wasaarada.

Agaasimaha Guud ee wasaarada Warfaafinta Axmed Abokor Maxamed oo ugu horeyn ujeedada kulankii shalay ka hadlay ayaa yidhi:

โ€œUjeedada kulanku waa in faahfaahin innaga siiyo Wasiirka Wasaaradu arrinkii dib-u-habaynta nidaamka gunnada iyo mushaharka shaqaalaha ee muddada uu ku howlanaa. Dhamaan shaqaalaha wasaarada waxaan ugu baaqayaa inaan sannadka cusub ee bilaabmay la jaanqaado isbedel aynu ku samayno waxqabadkeena. Waxaan u ballanqaadayaa shaqaalaha in dhamaan madaxda wasaaradu kala qeybqaadatay Wasiirka hawshan, kuna barbartaagan nahay fulinteeda.โ€

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) oo kulankaa hadal ka jeediyey ayaa ku bilaabay,

โ€œWax-soo-saarka wasaaradu waxay ku xidhan tahay barnaamijyada aynu soo saarno, hadday TV-ga Qaranka tahay iyo hadii ay idaacada tahay.โ€

Wasiirka warfaafinta ayaa u sheegay shaqaalahii kulankaa goobjooga ka ahaa in ay kala duwan yihiin tayada barnaamijyada TV-ga iyo Idaacadu, isagoo ugu maahmaahay:

โ€œNimaad wax-ku-qarsan lahayd-waxba lagama qarsado.โ€

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

ย โ€œSow shaqaalahii wasaarada ma tihidiin, oo magacaagii iyo sharaftaadii wasaarada ma saarna, waxaan idiin sheegayaa inaan Idaacada iyo TV-gu isku barnaamijyo ahayn, oo way kala sareeyaan, Idaacada sarayso, TV-guna wuu ka hooseeyo.โ€

Wasiirka warfaafinta Cadaani ayaa ka waramay caqabadihii uu la kulmay markuu xilka wasaarada qabtay, taasoo saamayn ku yeelatay wax-soo-saarkii barnaamijyada TG-ga, Idaacada, Wakaalada wararka iyo wargeyska Dawan, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œIntaan hayey xilka wasaarada waxii ugu badnaa aan la kulmay waxay ahayd cabashada shaqaalaha, kow-waxay cabasho badani ka jirtay gunnooyinka ay qaataan shaqaalaha wasaarada oon isku dheelitirnayn,oo dad badan oo isku darajo ah ay qaadan jireen gunnooyin aan isku mid ahayn, cabashadaasina in badan soo jiitamaysay, oo soo noqnoqonaysay, annigana iga horeysay.โ€

Wasiir Cadaani oo ka hadlayey goโ€™aamadii uu ka gaadhay cabashadii shaqaalaha wasaarada warfaafinta ee dhinacii kala duwanaanshaha gunnooyinka ayaa yidhi:

โ€œWaxaa lagama maarmaan noqotay inaan samayno dib-u-haybayn balaadhan oo xagga gunnooyinka iyo mushaharooyinka, ee guud ahaan shaqaalaha wasaarada Warfaafinta, marka laga bilaabo Agaasime-waaxeedyada, ku-xigeenada, Agaasime-qeybeedyada, maamuleyaasha iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada oo dhan, oo dad gunnooyin badan qaadan jiray laga jaray.โ€

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani) oo ka hadlayey siduu u simmay mushararkii iyo gunooyinka shaqaalaha isku derejada ah ayaa wuxuu yidhi:

โ€œQof kastoo derajada A ah balse aan xil hayn oo qaadan jiray milyan, waxuu qaadan doonaa milyan iyo sideed boqol, derejada B oo qaadan jirtay sided boqol, waxay qaadan doonaan milyan iyo shan boqol, derejada C oo qaadan jirtay lix boqol imika waxay qaadan doonaan milyan iyo boqol, derejada D oo qaadan jirtay saddex boqol iyo afar iyo todobaatan, imika waxuu qaadan doonaa todoba boqol iyo kow iyo toban shillin Somaliland.โ€

Wasiirka warfaafinta Cadaani ayaa ugu dambayn mahab balaadhan u jeediyey Madaxweynaha JSL iyo Marwadiisa, wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan dedaalada ay ka geysteen horumarinta dalka.

Shaqaalaha kala duwan ee wasaarada Warfaafinta ayaa si weyn u boqaadiyey kuna hambalyeeyey wasiirka Warfaafinta isbedelka uu ka sameeyey simmitaanka musharaka iyo gunooyinka shaqaalaha.

Dhinaca kale qorshahan habaynta mushaharka iyo gunnooyinka ee shalay uu ku guulaystay Wasiirka Warfaafinta Cadaani ayuu hore ugu guuldaraysteen dhammaan wasiiradii hore u soo maray Wasaarada warfaafintu in ay wax ka qabtaan.

bandhige@gmail.com