Xisbiga Kulmiye wuxu deeq buugaag ah ku wareejiyey lix dugsiyada sare

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa deeq buugaag ah siiyey lix ka mid ah dugsiyada sare ee Gobollada dalka Somaliland.

Buugaagtan oo ay dalka soo gaadhsiiyeen madaxda Laanta xisbiga Kulmiye ee Bristol ee dalka Ingiriiska oo la kaashaday hay’adda African Appeal, ayaa xaflad kooban oo lagu qabtay hoolka Cali-maarshaal ee xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Hargeysa maanta, kana qaybgaleen masuuliyiin ka mid ah hoggaanka xisbiga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, guddoonka Garabka Haweenka, madax ka socota Laanta Bristol ee Kulmiye iyo marti sharaf kale, waxa deeqda buugaagta culuunta dugsiyada sare lagu dhigto lagu wareejiyey dugiyada Dayib-gurey iyo Maxamuud Axmed Cali ee magaalada Hargeysa iyo dugsiga sare ee Muuse Yuusuf oo ku yaalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool iyo saddex dugsi oo kale oo ku kala yaal magaalooyinka Boorama, Burco iyo Gabiley.

Xoghayaha xisbiga Kulmiye laantiisa Bristol Naasir Ibraahim Suufi oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida guud ahaan xisbiga Kulmiye, ayaa ka xog-warramay deeqdan buugaagta ay ee ay dalka keeneen oo ka kooban kuwa laga barto culuumta Sayniska, Juquraafiga, xisaabaadka iyo noocyo kale oo wax weyn ka tari doona heerka aqooneed ee ardayda dugsiyada sare wax ka barata, isla markaana ay arrintani ka mid tahay taakulo caafimaad iyo mid waxbarasho oo ay waddanka soo gaadhsiisay Laantooda Bristol ee xisbiga Kulmiye, taas oo iyaduna qayb ka ah dadaallada xisbigu ku doonayo horumarinta bulshadiisa, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Xisbi ahaan waxa naga go’an inaannu dadkayaga wax tarno oo aannu weliba wax muuqda oo la taaban karno qabano oo aan sheegashada dhaafno, ku dhawaad kun buug oo aannu ugu talogalnay dugsiyo sare oo ku kala yaalla gobollada dalka ayaanu qaarna qaybinay, qaarna dhawaan qaybin doonaa, taasina waxay caddaynaysaa sida ay nooga go’an tahay inuu xisbigu waxtar muuqda bulshadayada u geysano.

Sidoo kale, Mustafe Xaashi Cismaan oo isaguna ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga Kulmiye laantiisa Bristol oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay halkaas kasii wadaan deeqaha kala duwan ee ay bulshada gaadhsiinayaan, waxaannu hoosta ka xarriiqay muhiimad gaar ah siinayaan da’yarta waxbarashada ku hawllan oo iyadu ah meelaha ugu muhiimsan ee ummadda wax laga tari karo.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Kulmiye Maxamed Iid Dhimbiil iyo weliba guddoomiyaha garabka haweenka ee gobolka Marwo Xusni, ayaa hadallo kooban oo ay halkaas ka jeediyeen si isku mid ah u ammaanay laanta xisbiga ee magaalada Bristol, waxaanay sheegeen inay taariikhda xisbiga iyo midda qarankaba meel sare ka galeen, maadaama ay si hagar la’aan ah bulshadooda ula garab taagan yihiin waxqabad loo baahan yahay.
Maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee Hargeysa Cali Axmed Balayax oo ka mid ahaa maamulayaashii deeqdaas buugaagta ah lagu wareejiyey, ayaa soo dhaweeyey oo ka mahadceliyey taakuladan buugaagta ah, waxaanu sheegay in buugtaasi baahida waxbarasho ee dalka wax ka tari doonto, isla markaana ay kor-u-qaadayso heerka aqoonta ee ardayda dugsiyada sare ee dalka, waxaannu ballanqaaday in buugaagtan la dhigi doono maktabadda dugsiga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Prof. Cabdi Cali oo lagu sharfay wareejinta deeqdan buugta ah, ayaa u mahadnaqay madaxda xisbiga Kulmiye laantiisa Bristol, waxaanu farta ku fiiqay inay kor-u-qaadayaan aqoonta iyo garaadka ardayda xilligan dugsiyada ku jirta iyo kuwa soo geli doonaba.
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigaal (Shabeel), ayaa isaguna ammaan iyo bogaadin u jeediyey saraakiisha ka socotay laanta Bristol ee xisbiga Kulmiye, waxaannu laamaha kale ee xisbiga u soo jeediyey inay ku daydaan oo ay dedaalka iyo kartida ay muujiyeen mid la mid ah la yimaadaan, isaga oo intaas ku daray inay reer Bristol marar badan oo hore deeqo wax ku ool ah dalka ka geysteen.

Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Kulmiye Xuseen Aadan Cadde, ayaa isna hambalyo iyo ducaba isugu daray xubnaha deeqdaas soo gaadhsiiyey dalka, waxaannu ku tilmaamay buugaagtan kuwo waxtari doona waxbarashada ardayda dugsiyada sare ee waddanka.

Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi-dheere oo isagu wareejiyey deeqdaasi buugaagta ah, ayaa mahadcelinta laanta xisbiga ee Bristol kadib waxa uu la dardaarmay maamulayaasha iyo ardayda dugsiyada nasiibka u helay buugaagtan inay ka faa’iidaysto, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Reer Bristol wax badan dalka ka qabteen ilaa iyo 2002-dii haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay dalka waxtarkiisa tahayba, wayna soo dedaaleen, caafimaadkana wax badan ka qabteen oo agab badan bay keeneen, imikana waxbarashada ayey ku dareen oo ay sii ballaadhin doonaan, wax kale oo bandanna waanu ka rajaynaynaa.”

Buugaagta loogu talogalay saddex dugsi sare oo ku kala yaal magaalooyinka Boorama, Gabiley iyo Burco waxa lagu wareejin doonaa maalmaha soo socda.

bandhige@gmail.com