Wasiirka Wasaaradda Xannanaadda xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga JSL, oo hawlo shaqo ugu maqna dalka dibeddisa

Wasiirka Wasaaradda Xannanaadda xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga JSL Mudane Siciid Sulub Maxamed, oo hawlo shaqo ugu maqna dalka dibeddisa ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiir Siciid Sulub Maxamed oo dalka Sucuudiga intuu la joogay la kulmay masuuliyin ka tirsan dalka Sucudiga iyo shirkadaha ka ganacsada xoolaha.

wasiirka iyo masuuliyinta uu la kulmay ayaa ka wada hadlay siddii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya somaliland iyo sucudiga, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee labada dal ka dhexeya, gaar ahaan xoolaha nool oo somaliland dhoofiso dalka sucudiga.

Wasiirka oo dalka sucudiga uu joogay inuu dib uu soo furo xoolena oo dhawan tashuush ay ku furtay somaliya ayaa bulshada ugu bushareyay inuu soo furay xoolahi dhawan la xidhay.