Waxa maanta Hargeysa ka furmay Shirweynaha 3aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani

 

Waxa maanta ka furmay hudheelka Ambassador Shirweynaha 3aad Ee Golaha Dhexe Ee Xisbiga Waddani kaasi oo ay kasoo qayb galeen in ku dhowaad300 boqol oo Ergo oo kala socda Gobollada Dalka iyo dibediisaba.

Shirka Saddexaad ee Xubnaha Golaha Dhexe waxa goob joog ah 294 Xubnood oo Golaha Dhexe ah iyo masuuliyiin ka socda Xisbiga UCID.

Shirkan Golaha Dhexe waxyaabaha lagu qabanayo waxa ka mid ah doorashada Musharraxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka ee Xisbiga ee doorashada Madaxtooyada 2022.

bandhige@gmail.com