Wefti Ka Socda Kongresska Maraykanka oo Safar Xaqiiqo Raadin ah Ku Yimid Somaliland

Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL Ciise Kayd Maxamuud, ayaa dalka ku soo dhoweeyey hawl-wadeenno ka socda golaha kongreeska Maraykanka ee (US Congressional Staff) oo markoodii labaad soo booqday dalka.

Safarkan xog-raadinta ah ee xilligii ku habboonaa ku soo beegmay, waxaa isku soo dubba riday Urrurada American Humpty Dumpty Institute (HDI) iyo American Global Institute (AGI). Waxaana soo qaban qaabiyay safarka Xarunta Hiddaha iyo Dhaqanka ee Redsea Cultural Foundation (RCF).

Waxaana weftigan hogaaminayay Dr. Al Khalafalla, oo ka socday machadka HDI, iyo Dr. Jaamac Muuse Jaamac, oo ah guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee red sea (RCF), wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Somaliland, iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiir Ciise Kayd, oo weftiga soo dhaweeyay ayaa u sharaxay weftiga xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo taariikhdeedda soo jireenka ah, iyadoo ay hadda muddo todobaad ahi ka hadhay xuska sanad guuradda 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay jamhuuriaydda Somaliland xorniamdeedda ka qaadatay boqortooyadda Ingiriiska.

Ciise Kayd Maxamuud, waxa uu ka sheekeeyay taariikhda midawgii ay Somaliland la gashay Soomaaliyadii Talyaanigu, gumaysan jiray iyo dhibaatadii ay kala kulantay. Waxa kaloo uu wasiirku ka waramay horumarka ay Somaliland ku talaabsatay tan iyo markii ay gooni isuku taageedda kala soo noqotay Soomaaliya.

Kuwaasoo ay ka mid yihiin amniga, kala danbaynta, doorashooyinkii is xig xigay, oo kii u danbeeyay la hirgelinayo nidaamka biometric, ee Bu’da isha lagu sawirro, oo aan dalal badan oo caalam ka ka suurto gelin.

Sidoo kale wasiir Ciise Kayd, ayaa ka codsaday weftigan ka socday Maraykanka in ay kala shaqeeyaan qadiyadda qaran-nimadda Somaliland, isla markaana ay gaadhsiiyaan dalkoodda Maraykanka, maadaama oo masuulka weftiga hogaaminayay uu ku guulaystay qadiyado badan oo caalamka ah oo uu gaadhsiiyay wadankiisa.

“Waxaa la gaadhay wakhtigii aad si dhab ah u taaban lahaydeen, una arki lahaayeen, wax badan oo Somaliland ka jira oo looga sheekeeyay. Waxaan idin xasuusinayaa waxaad ku sugan tihiin dal ay leeyihiin dad isku tashaday, is aaminay, dalkoodiina dib u dhistay, isla markaana ay hogaaminayaan kuwii heeryadii kaligii taliyaha ka tuuray”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com