Xildhibaan Kijaandhe oo mar labaad shaaciyey murashnimadiisa Madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa xaflad weyn u taageerayaashiisa, taasi oo u mar labaad ku dhawaaqay in uu sharaxan yahay jagada Madaxweynenimada xisbiga Kulmiye oo uu hore ugu dhawaaqay.

Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay siyaasiin, aqoonyahano, dhallinyaro, xubno ka tirsan golaha dhexe ee Kulmiye iyo haween.

Xildhibaan Kijaandhe xafladan ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:

“Salaadiinta, xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga iyo dadwaynahan aadka u tiro badan waan salaamaya ,aadbaan idiinka mahadcelinayaa sida aad iiga aqbasheen casuumada aan idiin fidiyay, waxanan idiinku yeedhay in aan maanta si rasmi ah idiinku shaaciyo in aan ahay Murashaxa Madaxwayne ee xisbiga Kulmiye waxaan doonayaa in aad itaageertaan.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Anigu waxaan ka mid ahaa ragii ugu horeeyay ee xisbiga Kulmiye gala, waxaanan u arkaa in ay maanta wakhtigaygii joogto, raga maanta musharixiinta ahna qaar badan baan ka soo horeeyay, qaarna waabay iigu yimaadeen, waxaana idhi dee adigu ma dadka la tirsanayo uun baad noqon sidaa darteed ayaa igu kalifay maadaama ay jago banaan tahay una qalmo.”

Sidoo kale waxa Kijaandhe baaq u diray taageerayaashiisa iyo bulshadii ka soo qayb gashay xafladan, waxaanu yidhi:

“kursi jacayl ima gayn Murashaxa madaxwayne, laakiin xaq baan u leeyahay waxaanan idinka codsanayaa in aad itaageertaan sidii aad markii horaba ii taageerteen markaan xildhibaanimada ii doorateen, idinka la’aantiina waxba noqon maayo, waxaan idin waydiisanayaa in aad iskay daba taagtaan oo aad i caawisaan.”

Waxa kale oo Kijaandhe beeniyey warar la isla dhex marayey oo ahayd in murashaxnimadiisa aanay dhab ahayn oo cidi dhabarka taabatay, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan doonayaa inaan meesha ka saaro, dad badan baa Murashaxnimadayda shaki galiya dadbaa yidhaahda Kijaandhe ka dhab maaha oo cid baa wadata, cid aan Illaahay ahayn oo iga danbaysaa ma jiro nin waxaa ku shaqaysta ma ihi oo waa lay garanayaa oo cidna wax ima soo gashato aniga.”

Gaba gabadii waxa kijaandhe sheegay in uu ku dadaali musharaxnimadiisa iyo sidoo kale in aanu ka tanaasulayn musharaxnimadiisa.

 

bandhige@gmail.com