Sheekh Aadan Siiro wuxu si ba’an u dhaliilay wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka

Sida ay baahisay Star TV Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey “Siiro” ayaa si adag uga hor yimid wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka.

Sheekh Aadan Siiro wuxu sheegay in ay diintu ka soo horjeeddo wareejint ribada iyo hanti-goosiga oo uu sheegay in Haamaha Kaydka Shidaalku ay ka mid yihiin.

“Ilaahay wuxu yidhi marka aanu doonayno ummad in aanu halaagno kuwii Ilaahay waxoogaa siiyey baanu amar siinaa oo aanu shaydaanka u dirnaa. Xadkay ka gudbaan. Markaasaanu ummaddaas duminaa” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Aadan Siiro wuxu intaas raaciyey”

“Haddii qorshahaagu yahay aniga haamaha ii xidha, aniga dekedda ii xidha… Islaamku ma ogola. Islaamku wuu la dagaalamay “monopoly-ga” iyo ribada.”

Sheekh Aadan siiro wuxu ka mid yahay culumida caanka ah ee Somaliland, wuxuna caan ku yahay ka-hadalka arrimaha siyaasiga ah.

Hoos ka daawo hadalka sheekha oo dhammaystiran:

Bandhige@gmail.com