Shariikadihii FIFA maalgelin jiray, Coca Cola iyo McDonald’s, waxay ku baaqeen in Sepp Blatter dhakhso isku casilo

Labada shariikadood ee caalamiga ah ee aadka u waaweyn Coca-Cola iyo McDonald’s ayaa ugu baaqay in hoggaanka FIFA Sepp Blatter uu dhakhso xilka uga dago kadib markii todobaadkii ina dhaafay Xeer-Ilaaliyaha Switzerland uu ku soo eedeeyey maamul-xumo iyo wax-is-daba-marin.

“Daqiiqad kasta oo uu Sepp Blatter xilka sii hayaa waxa ay dilaysaa sumcadda FIFA” ayay yidhaahdeen labada shirkadood oo war-murtiyeed qoraal ah soo saaray.

Hase ahaatee Sepp Blatter wuu ku gacan-saydhay, waxanu sheegay in aanu xilka ka dagayn ilaa la gaadhayo wakhtiga doorashada loo qorsheeyey oo ah bisha labaad ee sannadka soo socda.

“In aan xilka sii hayaa waxay dan u tahay FIFA iyo isbeddellada hadda gacanta lagu hayo” ayuu yidhi Sepp Blatter.

Dacwaddu waxa ay la xidhiidhaa 2 milyan oo Doollar oo laga shakisan yahay in uu sharci-darro ugu xawilay Michel Platini oo ah madaxa ururka kubadda cagta ee Yurub kaas oo qayb ka ah dalladda FIFA, isla markaana ah Madaxweyne-Xigeenka FIFA.

Lacagtan ayaa la sheegay in ay wada-jir u saxeexeen Sepp Blatter iyo Madaxweynihii hore ee FIFA Jack Warner

Jeegga lacagtan lagu bixiyey waxa la saxeexay 12-kiiSeptember 2005 waxana la bixiyey 2011. Sida ay tibaaxayso warbixinta kooban ee Xeer Ilaaliyaha guud, waxa lacagtan loo ekaysiiyey in lagu qabanayo hawlo FIFA la xidhiidha.

Dacwaddan cusubi waxay ay ku soo beegmaysaa wakhti uu Michel Platini isu soo sharaxay kursiga madaxweynenimada FIFA oo la filayo in doorashadiisu ay dhacdo bisha 12aad ee sannadkan.

Ururkan ugu weyn ciyaaraha dunida ayaa dhibaatooyin dhinaca sharciga iyo maamulka ah la tacaalayey laga soo bilaabo bishii shannaad ee sannadkan markii booliiska Iswiirsarlaan ay galeen hudheel Zurich ku yaal kana soo xidheen toddoba ka mid ah golaha fulinta ee FIFA iyagoo fulinaya codsi uga yimid maxkamadaha Maraykanka.

Dhacadadaasi waxay sabab u noqotay baadhitaano joogto ah iyo iscasilaad ku timid guddoomiyihii FIFA Sepp Blater, kaas oo xilka hayn lahaa ilaa 2020-ka, laakiin wuxu ka degi doonaa 2016-ka.

Baadhitaannada FIFA lagu wadaa waxay gaar diirradda u saarayaan sidii loo bixyey qandaraasyadii martigelinta koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022 oo ay ku kala guulaysteen Ruushka iyo Gadar, kuwaas oo la isla dhex marayo in laaluush laga bixiyey.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:

Baadhitaannadii FIFA oo la filayo in ay galaaftaan xubno iyo ururro hor leh

Xoghayihii FIFA oo shaqadii laga joojiyey eedo musuqmaasuqna loo jeediyey

Ninkii labaad ee Afrikaan ah ayaa isku sharaxay jagada madaxweynenimada FIFA

FIFA oo magacowday madaxa dib- u-habaynta iyada oo ay dul hoganayaan eedaymo musuqmaasuq

Micheal Platini waxa uu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA

Wakhtiga ay dhacayso doorashada FIFA oo la cayimay

Madaxweyne-Xigeenkii hore ee FIFA wuxu iska difaacay eedaymo musuqmaasuq

Eedaymaha musuq-maasuq ee FIFA oo galaaftay madaxii xidhiidhka kubbadda cagta Bolivia

Iswisarlaand oo gacanta u gelisay Maraykanka 7 ka mid ah saraakiisha FIFA ee loo haysto musuq-maasuqa

FIFA waxay xayiraad maamul saareen guddoomiyihii xidhiidhka CONCACAF Blazer

Maraykanku wuxu Iswiisarlaand ka dalbaday in ay u gacangeliso saraakiishii FIFA ee la xidhay

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Laybeeriya wuxu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA

Booliska Caalamiga ahi wuxu FIFA ka xanibay 24.4 milyan oo Doollar

FIFA oo dib u dhigtay kala-xulidda waddamada u tartamaya martigelinka Koobka Adduunka ee 2026-ka

Caddaymaha musuq-maasuqa ee soo ifbaxayaa FIFA miyay gilgili doonaan mise way gambin doonaan?

Xubin ka mid ah Guddidii Fulinta ee hore ee FIFA ayaa qirtay eedaymo laaluush

Fadeexadda eedaha musuq-maasuq ee FIFA waxay gaadhay heerkii u sarreeyey, ma laga noqon doonaa martigelintii Koobka Adduunka ee Qadar iyo Ruushka?

Sepp Blatter wuxu sheegay in Faraansiiska iyo Jarmalku farogeliyeen codayntii xulista marti-gelinta koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022