Xildhibaan Qabille wuxu beeniyey in isaga iyo taageerayaashiisu ku biirayaan Waddani

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ka mid xildhibaannada Golaha Wakiillada kana tirsan xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) ayaa maanta beeniyey war lagu baahiyey shabakadda wararka ee Haatuf oo sheegayey in  Qabille iyo taageerayaashiisu ku biiri doonaan xisbiga Waddani.

Qabille ayaa warkan laga baahiyey beeniyey mar uu ka hadlayey Madaarka Cigaal, halkaas oo uu u tagay si uu u soo dhaweeyo Jamaal Cali Xuseen oo ka soo guryo-noqday safar uu dalka dibedda kaga maqnaa.

Xildhibaan Qabille oo la hadlayey warbaahinta wuxu yidhii “waa nasiib darro inaan shabakadda Haatuf ku arkay xalay warka sheegaya in xildhibaan Maxamed Faarax Qabille iyo taageerayaashiisu ay ku biiri doonaan xisbiga Waddani. Imika anigu waxan noqday nin oday ah. Waxaan gaadhay wakhtigii aan nasan lahaa. Dariiqa siyaasadda cidda aan u banayn doonaa waa dhallinyarada. Taariikhduna maalin kuma baa’bi karto. Haatufna waxaa leeyahay aniga waxaan ahay nin kaftan badan ee ilaha aad warkan ka hesheen dib ugu noqda.”

Xildhibaan Qabille ayaa taageereyaashiisu ku ammaanaan in uu ka mid yahay xildhibaanada tirsan ee mabda’a leh isla markaana la isku hallayn karo. Sidoo kale waxa ay ku ammaanaan in uu yahay nin u dhashay hal-adayg wixii uu sax u arkona aan ka baydhin xataa haddii ay dhibaato ka soo gaadhayso.

Bandhige@gmail.com