Guddoomiyaha Waddani oo furay tartankii garoonka Xawaadle ee Hargeysa

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa garoonka Xawaadle ee Hargeysa ka furay tartanka ciyaaraha Kubadda Cagta oo socon doona bisha barakaysan ee Ramadaan. Guddoomiyuhu sidoo kale waxaa uu afar kooxood oo ku dheelaya garoonkaasi guddoonsiiyey  agab-ciyaareed dhammaystiran oo isugu jiray dirays lagu ciyaaro iyo kubadihii.

Guddoomiye Cirro waxa munaasibaddii maanta ku wehelinayey saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo ay ka mid ahaayeen guddida fulinta, hoggaanka, garabka dhallinyarada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Guddoomiye Cabdiraxmaan si diirran baa garoonka Xawaadle loogu soo dhaweeyey
Guddoomiye Cabdiraxmaan si diirran baa garoonka Xawaadle loogu soo dhaweeyey

Garoonkan oo ku yaal degmada 26-ka Juun ee Waqooyiga Hargeysa waxa guddoomiyaha ku soo dhaweeyey ciyaartoydii, tabobareyaashii iyo taageereyaashii ku sugnaa garoonka, iyaga oo dhammaantood si aad ah uga mahad-celiyey guddoomiyaha iyo xubnaha ku wehelinaayey furitaanka Koobka Ramadaanta.

Siyaasi Axmed Like iyo mas’uuliyiin kale oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa dhankooda waxaa ay ka mahad-celiyeen guddoomiye Ciro ahmiyadda uu siinayo xaafadda 26ka Juun.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo munaasibaddaas ka hadlay waxaa uu ciyaatoyga, taageerayaasha iyo maamulka garoonka Xawaadle uga mahad-celiyey sida qiimaha badan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu muujiyey sida uu uga xun yahay hoos-u-dhaca xiligan ku yimid.

Guddoomiyaha Waddani wuxu hadalka ku soo gunaanaday:

“Xisbigayagu marka aan talada la wareegno waxa aan kor u qaadi doonaa dhiiri-gelinta ciyaaraha”

Guddoomiye Cirro wuxu dhallinyaradii goobta joogtay u ballan qaaday in uu marar badan soo booqan doono garoonkan si ay kor ugu kacdo xiisaha loo qabo ciyaaruhu iyo si uu dareenka dhallinyarada ula qaybsado.

Guddoomiye Cirro afar kooxood ayuu qalab isboorti guddoonsiiyey, wuxuna ballan-qaaday in uu ciyaaraha noolayn doono haddii xisbigiisu talada qabto
Guddoomiye Cirro afar kooxood ayuu qalab isboorti guddoonsiiyey, wuxuna ballan-qaaday in uu ciyaaraha noolayn doono haddii xisbigiisu talada qabto

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

bandhige@gmail.com