Xisbiga Kulmiye oo soo Dhaweeyay Dallada Himilo oo ku soo Biiray Xisbiga

Hargeysa(Dawan)Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ayaa Munaasibad soo dhawayn ah ugu sameeyay Magaalada Hargeysa Dallada Himilo oo ka dhisan Gobalada Maroodijeex iyo Awdal oo ku soo biirtay Xisbiga Kulmiye.

Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo dhawaynayay Dalada Himilo oo ku soo biiray Xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in uu ku hambalyaynayo himilada ay leeyihiin ee ay kaga leexdeen qabyaalada .Waxaana uu yidhi”Waxa aan idiku salaamayaa himilada iyo hanka aad leedihiin ee aad ku samayseen Ururkan idika oo dad badana oo ka kala yimid Gobalo ka duwan.waxaana idiku hambalyaynayaa in aad u leexateen dariiqa noloshiina wax taraya.dariiqa aan nolosha waxba ku taran waa qabyaalada Maanta Jaamacada dalka gobal walba way ka furan yihiin oo labo iyo mid iyo saddex ahayn,markaa qabyaalafa wax idiin tari mayso dhalinyaro ayaad tihiin waxa idila gudboon labo shay wakhtigiinu in aanu ku lumin meel aan noloshiina waxba ku tarayn.waana in aad wax barataan oo wax akhridaan oo taariikhda dalkiina akhridaan,Xisbiga Kulmiye waxa uu kaga duwan yahay Xisbiyada kale waa xisbi aasaaskiisu aanu qabyaalad ku dhisnan gudiyo reereed lagama xukumo.markaa waxa aynu doonaynaa in aynu aasaasno bulsho wanaagsan oo wax isku kordhisa oo wax isku tarta,”.

Sidoo kale Xubno ka mida Dalada Himilo oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa tilmaameen in ay u taagan yihiin sidii ay u garabistaagi la haayeen Xisbiga Kulmiye ayna ka aasaasan yihiin Gobalada Maroodijeex iyo Awdal.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com