Guddoomiyaha golaha wakiilada JSL oo Dhambaal Hambalyo u Diray Bulshada SL iyo Shucuubta Islaamka

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhambaal hambalyo u diray bulshada Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Islaamka oo uu ku hambalyeeyay curashada sannadka cusub ee Islaamka 1446.

Waxaanu bulshada Somaliland iyo guud ahaan shucuubta Islaamka Alle uga baryay in Rabbi sannad horumar barwaaqo iyo isfaham uga dhigo sannadka sannadkiisana ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo caafimaad qab.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com