Agaasimaha Kulliyadda Dhismaha ee Jaamacadda Gollis oo Kulan La Qaadatay Aqoonyahanka Jaamacadaha UK

London (Dawan) Agaasimaha Kulliyadda Engineering ee jaamacadda Gollis Eng. Hoodo Axmed Cabdilaahi, oo safar shaqo ku joogta dalka UK. ayaa la kulantay qaar ka mid ah aqoonyahannada ugu caansan jaamacadaha UK.

taasoo qayb ka ah dadaalka jaamacadda Gollis ee ku aaddan horumarinta iyo tayaynta waxbarashada iyo xoojinta xidhiidhada dibadda . Eng. Hoodo waxay kulan muhiim ah la yeelatay Prof. George Karani, oo ah borofisar ku takhasusay Caafimaadka Deegaanka, kana tirsan Jaamacadda Cardiff Metropolitan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa caafimaadka deegaanka iyo sidii aqoontiisa looga faa’iidayn lahaa ardayda iyo bulshada reer Somaliland guud ahaan.

Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii labada jaamacadood ay isugu beddeli lahaayeen aqoonta iyo barnaamijyada caafimaadka deegaanka. Intaas kaddib, Eng. Hoodo waxay la kulantay Dr. Fathia oo ka socota Jaamacadda King Faisal.

Waxaana sidoo kale Kulankaasi diiradda lagu saaray sidii ay labada jaamacadood uga wada shaqayn lahaayeen barnaamijyada cilmi-baadhista iyo horumarinta teknooloojiyadda. Waxaa sidoo kale Eng. Hoodo ay la kulantay Dr. Ahmed Ali, oo ah cilmi-baadhe iyo la taliye ka tirsan Compton Group oo ka mid ah Jaamacadda Cardiff.

Ugu dambeyn, Eng. Hoodo waxay la kulantay Elmi Petter, oo ka shaqeeya adeegyada ardayda ee Jaamacadda Cardiff,waxaanay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa adeegyada ardayda, iyadoo la eegayo baahiyaha ardayda.

Waxaana la isla gartay in la sameeyo iskaashi dhinaca adeegyada ardayda ah iyo in la xoojiyo xidhiidhka labada jaamacadood.

Geesta kale Guddoomiyaha guud, ahna aasaasaha jaamacadaha Gollis, Dr. Siciid Axmed Xasan, guddoomiyaha Xarunta Hargeysa, mudane Siciid Maxamed Axmed iyo bahweynta jaamacadda Gollis waxay hambalyo u dirayaan guud ahaan ardayda, macallimiinta, shaqaale-waynaha Jaamacadda Gollis iyo guud ahaan bulshada Somaliland munaasibadda bilashada sannadka cusub ee Islaamka awgii. Waxaanay u rajeyeeyeen in dalka iyo dadkaba in sannadkan cusub ee 1446 Alle inooga dhigo mid barwaaqo iyo horumar u leh, guud ahaan bulshada Somaliland.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com