Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargaysa oo La Tacaalaya Soo-saarista Khashin Xanibay Goobaha Biyo Mareenada ah

Hargaysa (Dawan) Dowladda hoose ee Hargeysa, ayaa sheegtay in shaqaalaheedu ay la tacaalayaan soo saarista taayirada, qasaaladaha iyo qashinka xanibay goobihii loogu tallo galay inay biyuhu si nafisa u maraan balse xidhmay.

Agaasimaha arrimaha bulshada dowladda hoose ee caasimada Hargeysa, Axmed Weheliye Cabdi, oo kaashanaya Kooxda loo yaqaano labaatanad, ayaa ka hawlgalay inay baneeyaan goobaha ay xidheen waxyaabaha aan loogu tallo galin ee bulshadu ay soo raacinayaan biyaha xilliyada roobka.

Qaar ka mid ah bulshada caasimada ayaa xilliyada roobka biyaha raaciya alaabooyin duugoobay, kuwaas oo caqabad ku noqda qulqulkii biyaha ee marayay goobaha biyo mareenada. Dowladda hoose ee caasimada Hargeysa, ayaa inta badan bulshada ku waanisa inay ka waantoobaan qashinada ay raacinayaan biyaha ee xanibaya goobaha biyo mareenada, kuwaas oo keeni kara halis.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com