Masuuliyiin Degmada Sheekh oo Ka Qaybgalay Bandhiga Booga Taariikhda Guriga Dariiqada

Sheekh (Dawan) Masuuliyiinta Degmadda Sheekh ayaa ka qaybgalay Xafladda Bandhiga Taariikhda Buugga Guriga Dariiqadda, kaas oo lagu soo Bandhigay Degmaddaasi.

Xafladdaas ayaa waxaa ka soo qaybgaley Masuuliyiinta kala duwan ee Degmadda Sheekh,Masuuliyiin ka socdey Xisbiyadda Qaranka qaarkood oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye ee Degmadda sheekh Mudane- Bashiir Xassan Cali iyo Bulshadda qaybaheedka kala duwan ee ku dhaqan Degmaddaas.

Aqoon yahanka, Waxgaradka, Culimadda iyo odayaasha Deegaanka Degmadda sheekh ayaa goobtaas si wado jir ah uga waramay taariikhda muga weyn ee Dariiqaddu ku lahayd Bulshadda Deegaankaas iyo Sayid Aadan oo ahaa Muwaadin reer Somaliland ah oo dalka Carabta Cilmiga Diinta islamka ku soo bartey, kaasoo mudadii uu ku noolaa dariiqada ku barbaraariyey Barshadda Diinteena Suuban ee Islamka,waxaana ka aflaxey ardey tiro badan oo uu barey sheekhu aqoonta Diinta islaamka.

Dhankoodana, Maayirka degmadda Sheekh Eng- Ismaaciil Xusseen Cali iyo Maayir ku xiigeenka Degmaddaas Maxamed faarax Axmed oo xidhitaankii xafladda Buuggaas ka hadlaayey ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey in xiligan lagama maarmaan ay tahay in dariiqaddaas lagaga deydo sidii arrimaha Qabyaaladda iyo jahliga Bulshadda ugala dagaalamaayeen, iyagoo Culimaddaas kaalin laxaad leh ka qaatey Midnimadda, wado jirka iyo horumarka Bulshadda ku dhaqan Degmaddaasi.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com