Xisbiga Kulmiye waxa uu magaacabay masuuliyiin cusub

 

War-saxaafadeed ka soo baxay xisbiga Kulmiye ayaa waxa lagu magacaabay masuuliyiin dhowr kuwaasi oo magacyadooda iyo jagooyinkoodu hoos ku xusan yihiin.

Ku: Cumar Axmed Cumar (Xuuxuule)                                                = Berbera =

Ku: Maxamed Nuur Mooge Shabeel                                                    = Gabiley =

Ku: Maxamed Ibraahim Nadiif                                                             = Gabiley =

Ku: Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug                                           =Hargeysa =

Ku: Cabdifataax Barkhad Cismaan                                                      =Hargeysa =

Ku: Siciid Maxamed Siciid                                                        =Hargeysa =                                                           

Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye                                          =Hargeysa =

Ujeeddo: Magacaabis Xilal.

Kadib markii aan arkay muhiimadda Xilalka hoos ku qoran u leeyihiin hab-sami u socodka hawlaha Xisbiga KULMIYE, waxa la magacaabay xubnahan laga bilaabo maanta oo ay bishu  tahay October 01, 2017.

  1. Cumar Axmed Cumar (Xuuxuule) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Saaxil.
  2. Maxamed Nuur Mooge Shabeel – In maanta laga bilaabo uu ahaado Afhayeenka Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
  3. Maxamed Ibraahim Nadiif – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Gabiley.
  4. Cabdiraxmaan Maxamuud Gaaxnuug – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
  5. Cabdifataax Barkhad Cismaan – In manta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Qorshaynta iyo Jaan-goynta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.
  6. Siciid Maxamed Siciid – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee Xisbiga KULMIYE.

 

Muuse Biixi Cabdi 

______________________________________________

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE

Email: kulmiyepartychairman@gmail.com

Telephone: +25263 4026659, +25263 4093555, +25263 4240050,

Sha’ab Area, Hargeisa, Somaliland Republic.