Xuska maalinta caalamig ee joojinta gudniinka hablaha ayaa lagu qabtay Hargeysa

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ururadda la shaqeeyaan ayaa waxay maanta sida wada jir ah u qabteen xuska maalinta caalamiga ee joojinta gudniinka hablaha.

Musaasibadan oo wadajir u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo ururadda maxaliga iyo caalamiga ahi, waxa ka soo qayb galay Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Diinta iyo Awqaafta, Wasiirka iyo Wasiiru-dawlada wasaaradda Shaqada  iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqada, ururada maxaliga iyo kuwa caalamiga iyo  dadweyne kale oo fara badan.

Ugu horeyn waxa musaabidan ka hadlay Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luul Aadan Geedi oo sharaxaad dheer  ka bixisay ujeedada munaasibadan iyo dhibaatooyinka uu leeyahay Gudniinka hablaha, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:

“Maanta waa maalinta loo asteeyey joojinta gudniinka hablaha oo saameyn weyn ku haya bulshada iyo hablaha da’yarta ah, waxaaan rajaynayaa in sannadka ay soo bixi doonta siyaasada qaranka ee lagu joojinayo guud ahaanba gudniinka hablaha.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadashay Guddoomiyaha Dallada NAFIS Khadra oo sheegtay in gudniinka haatan lagu magac darro in uu yahay sunne balse yahay mid la mid ah kii fircooniga.

Dhanka Agaasimaha Guud Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Aadan ayaa waxa uu isaguna sheegay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo ansixin lahaa siyaasada gudniinka gabdhaha wali qabyo qoraal ah, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Sharcigii lagu joojinayey gudniinka gabdhuhu wuu socdaa laakiin waxaanu leenahay dumarow midiyaha dhiga ileen ragu waxba ma gudaane, hooyooyinkana waxaanu ka codsanaynaa inay ka qayb galaan wacyi-gelinta ka dhanka ah gudniinka hablaha, dawladduna waa in ay siyaasadeeda adkayso, waxaanan Ieeyahay Nafis iyo Nagaad waa in ay fariintoodu is gaadhaa oo ay talaabo ka qaadaan arrintan, hay’addaha ka shaqeeya cidhibtirka gudniinka waxaan Ieeyahay waa in qorshe adag oo isku mid ah oo midaysan oo la og yahay cid waliba waxa ay qabanayso waa in ay arrintaas ka sameeyaan, wasaarad ahaana waxaanu ku dedaalaynaa in dhammaan hay’addaha dawladda ee arrintani khusayso talaabo isku mid ah oo cad ay ka qaataan, hay’addaha nagala shaqaynaya ee caalamiga iyo kuwa maxaliga ah waxaanu leenahay sida dadka fariinta loo gaadhsiinayaa waa arm u baahan in la darso oo aynu qiimayno ilaa haatan halka aynu marayno, maxaa inaga dhimman, maxaa khaldan iyo habka loo galayaa in uu yahay kii saxda ahaa.”  

Agaasimaha guud ee wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Saleebaan ayaa isaguna ka hadlay waxa ay shareecada islaamku ka qabto gudniinka hablaha waxaanu yidhi:

“Inaga inta inagaga koobani waxa weeyaan Gudniinka la yidhaa fircoonigu in aanu shareecada Islaamka meel uu kaga yaalaa aanay jirin oo uu yahay xaaraan iyo caado aan banaanayn, taas marka laga yimaado hablaha mala gudayaa iyo mise lama gudayo waa masalo shard ah, arinkaasina waxa uu u baahan yahay in culimada ka hadlaysaa ay si waadix ah uga hadlaan, to shareecada islaamku xarimayso ee aynu isla ognahay waxa weeyaan in inanta la xidh xidho waxaana ka waajiba mag.”

Sidoo kale waxa isagun xafladan ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil ayaa waxa uu sheegay in dumarka ku shaqaysa gudniinku waxa ogolaansho ah ka haysan wasaaradda Caafimaadka isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Hawl wadeenada hawsha noocan ah qabta wax ogolaansho ah kama haystaan wasaarada caafimaadka, waxaana loo baahan yahay qofkii hawl caafimaad oo bulshada dana qabanaya waa in uu marka hore ogolaansho haystaa, haddii aanu haysana shaqadiisu waxay noqonaysaa shaqo aan waafaqsanayn sharciga oo qalad ah, waxaanan ugu baaqaynaa cid kasta oo hawshaas gacanta kula jirtaa in ay la kaashato wasaarada caafimaadka, dawladda Somaliland-na ma ogola wixii bulshada dhib ku keenaya in la sii wado, mana aha siyaasada qaranka iyo siyaasada ummadda.”

Xaflan ayaa waxa soo afmeeray Wasiiru-dawladaha wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Daahir Camuud oo ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu in ay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay ka go’an tahay in ay la shaqeeyaan ururada ka shaqeeya iyo dhammaan daneeyayaasha joojinta gudniinka gabdhah, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dadweynaha ka soo qayb galay munaasibadan ee dhakhaatiirta iyo dumarka iskugu jira aad ayaan ugu mahad celinayaa, Maanta waa maalintii aynu xusaynay oo la doonayey in ay maankeena ku jirto in dadka lagu wacyi geliyo in layska daayo gudniinka gabdhaha, dumarka waynu la dhalanay oo way in oo dhaxeen oo waynu dhalnay, waxaana loo baahan yahay in aynu wacyi gelino oo aynu caadadaa xun ka joojino, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshaduna way ka hawl gali doontaa dadka arrimahaas ka shaqaysta.”

6-da Feebarwari ayaa waxa sannad walba dunida laga xusaa joojinta gudniinka hablaha oo saameyn caafimaad iyo mid dhaqaalaba ku haya hablaha.

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com