Rag caddaalad waayey sida cawsha kala yaac! (WQ: Cabdiraxmaan Maxamed Imaan “Cawke”)

 

Qoraalka Maanta waxaynu ku milicsan doonaa arrimo u baahan xal waara oo ah hab nidaamka caddaalada dalka, waa muhiim in aad loogu dhabo galo caddaalad ka shaqeysa dalka iyo dadka dhexdooda waana ta keeni karta wax wada lahaansho iyo in lawada noolaado oo waxa lawada qabsado.

Suurto-galnimda iyo hirgalinta caddaalad wada deeqda bulsho weynta Somalilan waa hirgalinta wax wada lahaanshaha iyo saamiqeybsi buuxa.

Madaxweynaha qaranka, Gudoomiyaha golaha guurtida, Guddoomiyaha golaha baarlamanka, Gudoomiyaha maxakamadda sare. Jananka ciidanka millatariga, Jananka ciidanka Bilayska, Markaad u fiirsato dhamaantood waa beesha dhexe, su’aalsha isweydiinta mudani waa sidee loo helayaa wax wada lahaansho iyo caddaalad?.

Taliyaha Sirdoonka qaranka, jananka ciidanka laanta socdaalka, taliyaha ciidanka dab-damiska qaranka, guddoomiyaha maxakamadda ciidanka qalabka sida, xeer ilaaliayaha guud ee qaranka, garyaqaanka guud ee qaranka. Guddoomiya baanka qaranka, hanti dhawraha guud ee qaranka. Gudoomiyaha xuquuqal iinsaanka qaranka. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, waa saddexda murashax madaxweyne ee asxaabta qaranka.

Golaha wasiirada saddex meelood, laba meelood iyo badh, agaasimayaasha ugu badan, shaqaalaha qaranka tirada ugu badan. Khayraadka dalka.

Caddaalada, sinnaanta iyo Somalilan-nimada la baadigoobayaa waxay ku goblantay gacanteenna, waxa loo baahanyahay salli-fidsan, somalilan dhadhankeedu ka duwanyahay ta maanta, caddaalad cid kasta gaadha.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxa mugdi sii gelaysa midnimadii ummadda, qaranimaddi qaranka, waxay talo hortaala tolkay reer sheekh isaxaaq inay sida haddeer xaalku yahay ay ku bedelaan si dhaanta oo ah in Somalilan deegaanadeda dadka ku dhaqani u sinnaaadaan dheefteeda iyo dhaqashadeeda. Haddi kalae xaal wuxuu noqon ” rag caddaalad waayay sida cawsha kala yaac”

Seeska sidaa foosha xun u yaal ku dhismimeyso dawladnimo suurto galna noqonmeyso in laynagu aqoonsado sidaas.

 

Wabillahi Tawfiiq…..

 

C.raxmaan Maxamed Iimaan

+252-63-4428031