Dugsiga Noradin way qaateen digreetadii Madaxweynaha, wayna ku dhaqmeen (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Waxa hubaala oo sida dayaxa u cad in dugsiyada noradiin ay yihiin qaar Mar walba raaca oo qaata wixii kasoo fula wasaarada waxbarashada iyo dawlada dhexeba.

Waxa xaqiiqa in ay ku talàabsadeen digreetadii madaxweynaha ee xaga sarifka iyo sixir bararka lagu yaraynaayey waxaanay lacagta gunada ardeyda ku qaadaan intii dawladu goysay ee ay u astaysay.

Iyadoo sidaasa hadana Waxa jira dad war-xumaato shiil iyo xaasidnimo la dhex wareega bulshada iyagoo ka xun horumarka iyo hiigsiga dheer ee uu sameeyey dugsiga NORADIN iyagoo ku andacoonaaya Waxa lacagta lagu qaadaa qiimo ka sareeya inta suuqu maraayo ama dawladu goysay. Taasoo ka ah xumaan iyo xaasidnimo.

Mulkiilaha diugsiyada nuuradiin maamulkiisa iyo dhamaan shaqaalahaba Waxa ka go’an inay bulshadooda ula dhamaan sida ugu fiican ee ay danta danyartu ku jirto.

Dugsiga nuuradiin waxaan odhan karaa waa dugsiga ugu badan ee ay arday bilaash ku dhigato.

Waxaa run ah in ardeyda bilaash ku dhigataa ay kor u dhaafayaan 3000 oo arday bal waakee dugsiga gaarka ama jaamacada  ah ee ay bilaash ku dhigtaan tiradaa ama tiro u dhow.

Dugsiga nuuradiin waa dugsiga aan lacag laga qaadin 80% ardeyda agoomaha iyo rajooyinka ah.

Dugsiga nuuradiin waa dugsiga lacaga ugu faraha badan kaga qayb qaatay taakuleynta abaaraha.

Dugsiga nuuradiin waa dugsiga kow ka ah wax kasta oo amara oo dawladu soo rogto.

Ama qaadhaan ama abaaro ama aafo dabiiciya inay xaga hore kaga jiraan liiska taakuleynta.

Dugsiga nuuradiin uma furna shaqsi kaliya ee Waxa laga biiliyaa oo ka shaqeeya shaqaale aan ka yarayn 1500 oo shaqaale ah oo quudiya 1500 oo qoys iyo in ka badan.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan leeyahay bulshadaa u marag ah DUGSIYADA NORADIIN.

 

Alla mahad leh

Qalinkii Cabdi Caawiye