Cali Khaliif oo Hargeysa soo gaadhay lana filayo in uu u sii gudbo Jabuuti

 

Cali Khaliif Galaydh ayaa markii ugu horraysay muddo 20 sanno ka badan cagaha soo dhigay Hargeysa. Wuxu hadda ku sugan yahay Ambassador Hotel kadib markii uu xalay ka soo guureeyey Buuhoodle, ku soo hakaday Burco kadibna u soo gudbay Hargeysa.

Sida muuqata Cali Khaliif looma samayn soo-dhawayn abaabul dadweyne maadaama aanu weli mawqifkiisa rasmi u caddayn, waxayna u badan tahay in isaga qudhiisu aanu sidaa dalban maadaama weli wada xaajoodku socdo.

Cali Khaliif ayaa la filayaa in uu u gudbo Jabuuti, sida aanu wararka ku hayno isla maanta, halkaas oo ay ku sii sugayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo guddi wada-xaajood uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Ambassador Xuseen Cali Ducaale Cawil.

Cali Khaliif ayaa markii hore ku talo gal-kiisu ahaa in uu toos uga duulo Buuhoodle, hase ahaatee waxa hor joogsaday maliishiyo uu horjooge u yahay nin la yidhaa Cabdifataax Baaydan oo Khaatumo ka tirsanayd oo sheegtay in aanay ku qanacsanayn wada-hadalka ay Khaatumo la galayso Somaliland.

Bandhige@gmail.com