Xuska maalinta Caalamiga ah ee Kansarka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta ka qaybgalay xuska maalinta caalamiga ah ee Kansarka aduunka oo maanta laga xusay magaaladda hargaysa.

Munaasibad balaadhan oo lagu xusayay maalintan oo lagu qabtay Cusbitaalka guud ee Magaaladda hargaysa ayaa waxaa kasoo qaybgalay, Agaasimaha Cusbitaalka guud ee hargaysa iyo ku xigeenkiisa, Dhakhaatiir ku takhasustay Xanuunka Kansarka, Masuuliyiin kala duwan iyo shaqaalaha Cusbitaalka guud ee Hargaysa.

Masuuliyiinta iyo Dhakhaatiirta kasoo qaybgalay Xuska maalinta caalamiga ah ee Kansarka oo hadalo kala duwan ka jeediyay madasha ayaa dhamaantood hoosta ka xariiqay mudnaanta ay leedahay in bulshadda laga wacyigeliyo habka ugu haboon ee looga hortagi karayo xanuunka kansarka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo dhankiisa madasha ka hadlay ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee loo baaha

Xigasho:Somaliland New agency

Bandhige@gmail.com