WALAALO EED LA’ IYO CADOW KALA GARANAY ..W/Q:( Maxamed Xaashi Muxumed)

Soomalidu waligeed may aheyn QOOMIYAD, balse waxa ay aheyd qabaa’il la nool colaado iyo dhibaatoyin xeel dheer .

Sidaa ay tibaaxayso qoraalada tarikhyahanada bariga Africa haddii aynu dib uraacno siyaabaha wax utilmaami jireen, waxa kamida marka ay qoomiyadaha ka hadlayaaan waxay odhan jireen , Amxaaro,Oromo,Tigreey ,Elatari iyo qaabilka Soomalida way adag tahay inaad hesho meel soomaali kaliya ku qoron tahay.

Tusaale kale oo nool tilmaamta jabuuti waxay aheed Canfar iyo Ciise ,xaata lama qorin Canfar iyo Soomali balse waxa la qoroy Canfar iyo Ciise.

Bosaaso ilaa Galkacyo waxay ahayd Majeerteniya waxa kale oo jira tilamaamo iyo tusaale intan ka badan.Caddaymadani waxa ay marag utahy inaanay marnba jirin qoomiyad Soomaali ahi, oo la mida kuwa Geeska Africa.Waxa kale oo ay muujinaysa inaanay jirin wax Soomaliya la odhan jirin.

Eraygan SOOMALIYA een maqalnay in ku dhaw 60 sanno wuxu bilowday 1960 waxana uu dhammaaday 1991 markiisi horrena wuxu ka yimid midowgii labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee ay kala gumaysanayeen Ingriis iyo Talyaani. Wixii ka danbeeyey 1991 waxa eraygan ku shaqeysta oo si weyn u isticmaala beesha Hawiye ee Xamar ku nool ,waxa kale oo iyana ku shaqeysta dad yar oo Ajnabi ah.

Beeshan gobolka Banaadir ka talisa waxay isticmaalaan laba erey oo anay waxba uga hooseyn , labada erey oo ah caasimada Soomaliyeed ee muqdisho iyo umada Soomaliyed haddii laga tagi waayo waxa jira erey saddexaad oo ah midnimada Soomaliyeed.

Saddexdan erey ee daalani waxay ahaayeen kuwa berri ushaqeyn jiray,waana saddex kalamadood ee uu ku dhargay ninka gobolka Banaadir joogaa.

Besha Majeerteeniya waxay ku celcelisa Jamhuuriyadda fadaraalka Soomaaliya, taas oo uu isagu danihiisa ka dhex arko wax Federaal la idhaa oo aan marka horreba wax jira ahayn, madaama jubada hoose ay xoog ku haystaan,ilaa manta qabaa’ilka soomaliya ku nooli maaha dad is aaminay marnaba.

Shacabka JSL waxay ahaayeen ummadda qudha ee isku dayday in ay abuurto qoomiyad soomaali ah waxanay ku caddahay in ka badan saddex boqol oo gabayo iyo heeso ah oo ay soomaali ku gubaabinayo, balse aanay jirin cid sidooda la fahantay soomaali jaceylka ,waxana ay ahaayen dadka kaliya ee jeclaa shanta soomaali oo midowda .

Dadkaygu waxa ay qiraysnaayeen 1948 ilaa 1981, markaaso lagu dhaawaaqay URUURKI SNM ee dhaliyey xorinimada aynu maanta hayasno .

Waxa allaala iyo wixii dal ahaa ee xidhidh la yeeshay wixii soomaaliya la odhan jiray waxa u sabab ahaa bogcada ay jamhuuriyaddu Somaliland ay ku taallo waxa na ka mid ahaa:

o Turkey

o Ingriis

o Russia

o USA

Maraykanku in safaarad weyn Xamar ka samaysto waxa uu sabab ahayd joogitaankii uu Berbera saldhiga ku lahaa.

Jahmuriyadda Somaliland waxay askar iyo dhiboo u ahayd dawlad aan waligeed wax tarin Soomaliland oo Masar la yidha. Masar na waxay ahayd tan cadaawada u abuurtay qabaa’ilka Soomalida iyo Ethiopia. .

Hassan Sheekh Maxamuud haddii uu siyaasi run ah ahaan laha,ama nin wax akhriyey ahaan laha, Masar ma aadeen, waayo dhibaatoyinka waddanka Masar haysta waa mid aanay wxba ka halleelen, waa wadan muddo moootana. war uma hayaan jaarkooda sida liibiya ,Yamen , Suudan iyo Xuutiyiinta.

Ethiopia Somaliland cadawgeeda maaha balse cadawga Somaliland waa cidkasto kastoo horjeeda jiritaaankeda iyo aqoonsigeda.

Talaabadan dawleddeenu qaaday iyo heshiiskan Ethiopia la galnay waa mid hormar weyn inoo leh oo aan la dhayalsan karin waana talaabaadi u weyneed ee abid JSL ay qaado.

Somaliland waxay ka heshy xaysiiski u weyna taariikhdeena , oo anay billions, billions dollar ku hesheen.

Waxa kale oo jira 16 waddan oo Africa ah oo aan bad lahyn, waxay waddamadaasi bilaaaben in ay Ethiopia iyo Jamhuuriyaada Somaliland ku tageeraan heshiskan .

Waxa kale oo ay bilaaben in ay u olaleeyan aqoonsiga Somaliland dalaalkaasi sida Botuswaana,Birkiina faaso,Burundi,CentralAfrica,Jaadh,Ethiopia Eswantima,Lisoto,Malaawi Nejer,Southsudan,Ugaandha.

Somaliland waa dad ayaan leh oo aaminay dhulkoodi islamarkaana aan rabin inay dulmi cid ulatagan,halganka SOMALILAND wuxuu soo bilaabmay 1961 waanu soconaya ila inta laga aqoonsanayo.

GUUL SOMALILAND.

Maxamed Hashi

WALAALO EED LA’ IYO CADOW KALA GARANAY

 

Xigasho:  Maxamed Xaashi Muxumed

Bandhige@gmail.com