GOBANIMADII REER SOMALILAND DAWLADOODII 26 JUNE 1960KII UGU SADQEEYEEN RIYADII WANAAGSANAYD EE RUMOOBI WEYDAY ( Somali weyn )….W/Q:(Mohamed Abdi Jama, Mohamed Dhimbiil)

Mudo haatan laga joogo lixdan iyo dheeraad sanadood ayey dadkaygu ku hamiyeen inay mideeyaan dadka soomaaliyeed ee bariga Africa ku nool oo dhan oo ay wadaagaan hal dal , hal dawlad iyo hal calan , waxa la odhan karaa waa hormoodkii dadka somalida ah ee xiligaasi marka la eego hiigsiga iyo yoolka ay lahaayeen.

Haddaba Markii ay xornimada ka qaadatay jamhuuriyada Somaliland dawladii boqortooyada ingiriiska 26-june-1960 kii waxay dawladnimadoodii u sadqeeyeen ( sacrifice) in la helo shantii soomaaliyeed afartii kale oo kala ahaa ; Koonfur Soomaaliya oo talyanigu haystay waagaasi , Djibouti oo uu faransiisku joogay, Gobolka waqooyi bari Kenya ( NFD ) iyo soomaalida Ethiopia; ogaden + Hawd reserve area.

Waxa judhiiba midoobay July 1 1960kii Somaliland iyo South Somalia waxaana la dhisay dal la yidhaahdo Jamhuuriyada Somalia ( Somali republic) taariikhda iyo tiirarkii midnimada ( Act of Union) iyo wax badan oo kale qolo ba si bay u dhigtaa laakiin maxsuulkii wuxuu u ekaaday in reer Somaliland hiigsigii iyo qadiyadii somalinimada ee wadday aan lala qaadan oo qiiradii haysay uun looga faaiideystay si aan somalinimo, wadaninimo iyo wax wadalahaansho ka fog.

Markuu xaal halkaasi marayo waxa cadaatay in aanay muuqan cid rabta qadiyada somalinimo iyo shantii soomaaliyeed oo dal isku noqda laakiin afka baarkiisa uun laga yidhaahdo, sanadkii1963 kii waxaa soo baxay heshiiskii OAU ee ahaa in xuduudihii isticmaarka jeexay (demarked colonial borders) lagu dhaqmo si loo yareeyo murunka xuduudaha oo dawladuhu u shaqeyn karaan.

Maamuladii ka horeeyey 1969kii waxay qaateen gaar ahaan xukuumadii Egal in dadka NFD iyo Somalida Ethiopia iyaga loo daayo doonistooda oo ay isa soo xoreeyaan markaa waxii ay uga baahdaan jamhuuriyada Somalia si dadban looga caawiyo maadaama shuruucda caalamka, kuwii midowga Africa iyo heshiiskii carusha (Arusha Charter ) intuba aanay u ogoleyn dawlada Jamhuuriyada somalia hawlahaasi.

Waxaa jirey markii dambe isku day dagaal oo aan daacad laga aheyn oo la sheegayey in lagu raadinayo dhulka soomaalida Ethiopia , waxaa laga dhaxlay wax aan wanaagsanayn iyo cadaawad cusboonaatay oo somalida & Ethiopia ka dhaxaysa.

Mudo 33 sanadood laga joogo ayey burburtay jamhuuriyada Somalia oo ay kala noqotay Jamhuuriyada Somaliland & maamulka Muqdisho ee loo bixiyey jamhuuriyada federaalka soomaaliya , sharci ahaan waxa is badelay xataa magacyadii lagu midoobay 1960kii oo waxa buray midnimadii.

Waxa aan u arkaa riyadii wanaagsanayd ee rumoobi wayday inay ahayd midnimada shanta soomaaliyeed ee la doonayey oo ahaa yoolkii la hiigsanayey , ee maxaa diidaya shantii in midwaliba gaarkeega ahaato oo halkeega dawlad ku ahaato in lagu niyad samaado oo walaalnimo iyo waxtarba u noqon lahayd dadka soomaaliyeed ee Gobolka Bariga Africa ku dhaqan oo dhan.

Waliba maah-maah baa ahayd ; ” geed walba in gubtaa way hoostaalaa e ” in jamhuuriyada Somaliland na xaliso waxii gudaheega ka jira ee wax la kala tirsanayo soomaalida koonfureed na maamuladooda , dib u heshiista iyo dagaalka argagixisada u midoobaan.

 

 

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil

Bandhige@gmail.com