Madaxda Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta xarunta dhexe ee xisbiga ee caasimadda Hargeysa ku soo dhaweeyey xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka Buuhoodle

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Faysal Cabdiraxmaan Madar, Xoghayaha Garabka Haweenka KULMIYE Marwo Sahra Saleebaan Cawil, Guddoomiyaha Hay’addq Barakacayaasha iyo Qaxootiga Qaranka Md. C/kariim Axmed Maxamed, saraakiil iyo siyaasiyiin kale, ayaa soo dhaweeyey Maayar-ku-xigeenka Buuhoodle iyo saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaankaasi iyo odayaal iyo aqoonyahan wehelinayey, kuwaas oo sheegay inay ka soo digo-rogteen xisbiyadi mucaaradka ee ay ka soo baxeen.

 

Xigasho:Telefiishanka Qaranka somaliland

Bandhige@gmail.com