Taariikhda Iyo Nolosha Sirdoonka!

Basaaska Gorge Blake wuxu ku dhashay sanadkii 1922 , magaalada Roterdam ee dalka Holand, aabihii Wilaim Behar wuxu ka soo jeeday qawmiyadda Masaaridda Yuhuudda ah hooyadiina waxay u dhalatay dalka Holand.

Aabihii Albert Behar wuxu u shaqayn ciidankii Ingiriiska dagaalkii kooowaad waxa uu ahaa hawlkar waxaana wakhtigaasi la siiyay biladda “Meritorious Service Medal” oo ahayd sida magaceeda ka muuqda bilad sharafta lagu maamuso ciidanka hawlkarka.

Dagaalka ayuu si weyn uga qayb qaatay, waxaana uu qarin jiray asalkiisa in ka soo jeedo Yuhuudda si aan isaga iyo gabadhiisa iyo caruurtiisa loo dilin. Markii uu dhintay Odaygu sanadkii 1936 wiilkiisa ugu weyn ee Gorge Blake ayaa loo diray Masar si uu ula noolaado qaraabadiisa oo waxbarashadana halkaasi uga sii wato.

Wiilka Gorge ayaa sanadkii 1940, ku soo noqday dalka Holand, Sanadkaasi oo Jarmalku ku duulay Holand isla markaana uu si dhakhso ah u jebiyay ugana adkaaday ciidankii dalkaasi. Gorge Blake ayaa ka mid ahaa dadkii ciidanka Holand la socday ee la qabtay laakiin isaga markii danbe waa la sii daayay sababtuna waxay ahay da’diis oo aad u yarayd waxaana uu ahaa 17 sano keliya.

Gorge Blake ayaa ku biiray kacdoonadii lagaga soo horjeeday Naasiga Jarmalka ee ka socday Holand culays badan oo ku yimi awgeed ayuu Sanadkii 1942, ka baxsaday Holand isagoo Ingiriiska tegay, halkaasi oo dib ugula midoobay qoyskooda oo ahaa hooyadii iyo laba hablood oo ay walaalo ahaayen, oo ka qaxay Holand una cararay dhinaca Ingiriiska markii weerarka uu ku soo qaaday Hitler.

Sanadkii 1943 ayay hooyadii go’aansatay inay magaca qoyskeeda ka bedesho Behar waxaana ay ku bedeshay Blake, sidaas awgeed wuxu magaciisu noqday Gorge Blake.

Wakhtigaasi ayuu si qarsoodi ah ugu biiray ururadii ka soo horjeeday Naasiga oo waagaasi Yurub ka curanayay. Ka hor intii aan laga shaqaalayn sirdoonka Ingriiska ee M16, Sanadkii 1944 ayuu ku biiray ciidanka Royal Navy oo ah ciidanka badda Ingriiska.

Blake markii danbe waxa laga shaqaalayay Sirdoonka Ingiriiska waxaana uu ka hawlgalay qaybtii ciidamada ee Holand.

Wakhtigaasi wuxu doonaya inuu guursado xoghayn ka tirsnayd sirdoonka Ingiriiska M16 oo lagu magacaabi jiray Iris Peake, laakiin qoyskeeda ayaa u diiday sababtuna waxay ahayd isagoo ka soo jeeda qoys Yuhuud ah.

Markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ayaa loo bedelay wasaaradda arimaha debedda ee Ingiriiska iyadoo sababtu ahayd aqoontiisa luqadaha badan ee uu xariifka ku ahaa. Markii uu soo baxay amarkii ahaa in dhamaan sirdoonka Ingiriisku ay noqdaan kuwo dhalasho ahaan ka soo jeeda Ingriiska ayaa Blake loo bedelay dhinaca lacagta ee Safaaradda Kuuriya.

Maalintii 25ka Juun, sanadkii 1950kii , waxa bilowday dagaalkii labada Kuuriya iyadoo ciidankii Kuuriyada waqooyi ay si dhakhso ah u qabsadeen caasimadda Seoul ee Kuuriyada oonfureed.

Markii dagaalku xoogaysatay ee dawladii Ingriiska ay la saftay dagaalkii Kuuriyada koonfureed, Blake iyo dibloomaasiyiintii kale ee Ingiriiska ayaa Kuuriyada waqooyi maxbuus ahaan u xidhay. Waxaana loo qaaday caasimadda kuuriyada waqooyi Biyonyang, iyadoo looga sii gudbiyay jeel ku yaallay Webiga Yalu….

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com