Waxa laga wariyey Saxaabiga Abu Hureyra (R.C) inuu Rasuulka Allah (scw) yidhi :
“ Xaqa Muslimku ku leeyahay Muslimka kale waa shan, Inuu salaanta u celiyo, inuu booqdo bukaankiisa, inuu raaco jinaasadiisa, inuu aqbalo martiqaadkiisa, inuu u duceeyo markuu hindhiso” Xadiis kalena wuxuu ku daray “ Inuu la taliyo markuu talo ka codsado”
Werin : Bukhaari iyo Muslim.
Qofku kaligii ma socdo haddiise uu dadka soo dhexgalo, dadka wanaagsanna raaco, waa inuu helaa xuquuq u damaanad qaadaysa iskaashiga wanaagsan ee bulsho la noolaanshaha. Xadiiskuna waxa uu inagu dhiirigeliyay in arrin kasta oo bulshada kala gacal iyo wanaag u abuuraya, arrin kasta oo xumaan is nec iyo kala tag keenayana waa uu inoo diiday.
Xigasho:wargeyska dawan
Bandhige@gmail.com