Xikmadaha Maanta

  • Xikmad waxa ugu sareeya cabsida Allah (sw)
  • Hadaad rabto inaad farxad ku noolaato muddoo gaaban aargooso, haddii aad doonaysid inaad mudo dheer ku nolaatana saamax iyo cafis u same dadka.
  • Caaqilku waa qofka carbakiisu ka danbeeyo maskaxdiisa, nacaskuna waa kan carabkiisu ka horeeyo maskaxdiisa
  • Dadku waxay arkaan xanuunka jidhkaaga ka muuqda laakiin ma arkaan xanuunka ruuxdaadu la il daran tahay. Kan dadka ugu caqli badani waa kan isu haysta inuu ugu xikmad yar yahay.
  • Iska jir in khalad aad mar gashay maskaxdaada ka bixi waayo , waayo wuxu ka horjoogsanaya inaad dadaal danbe samayso oo cabsi ayuu kugu abuurayaa. Ka qaado cashar ka dibna iska dhaaf.
  • Nin dhalinyaro ah ayaa aabihii ku yidhi : โ€œAabo sideen ku heli karaa gabadh wanaagsan?!.
  • Aabihii ayaa ugu jawaabay: โ€œ Iska ilow sidaad ku heli lahayd gabadh wanaagsan, ee horta adigu ku dadaal sidii aad u noqon lahayd qof wanaagasanโ€!.

 

Xigasho:wargeyska dawan

Bandhige@gmail.com