Kadib markii uu waddanka Lubnaan ku sugnaa Madaxweyne la’aan muddo laba sanno iyo badh ayaa waxay Baarlamaanka Lubnaan u doorteen Michel Aoun in uu noqdo Madaxweynaha dalkaas.
Madaxweynaha cusub oo ah Kiristaanka Maronite ayaa balan qaaday in uu ka difaaco Lubnaan “dabka ka socda gobolka.”
Michel Aoun ayaa waxaa taageeray kooxda shiicada ee awooda badan ee Xisbullah.
Musharaxnimadiisa ayaa waxaa ka hortagay, kooxda Suniga ee Future Movement ilaa heshiis la gaadhay bishan.
Waxaa la arki doonaa in hoggaamiyaha Future Movement Saad Hariri, uu noqdo Raysal-wasaare.
Michel Aoun, oo 81-jir ah ayaa ahaa taliye ciidan, wuxuuna helay 83 cod ee baarlamaanka 128-da kursi ah fadhigoodii 46-aad ee ay ku dooranayeen madaxweynaha.